Taangiga ay Israel samayso ee Merkava oo aan dunida laga iibin (Maxay tahay sababtu?)

0

(Hadalsame) 06 Jan 2022 – Taangiga Israel ay samayso ee Merkava oo ku dhowaad 100% adeegsadaan ciidamada lugta & kuwa madaafiicda goobta ee Israel, ayaa waloow uu ka mid yahay tawaangida horseedka ah ee dunida laga sheego, aan misna suuq caalami ah oo wanaagsan lahayn, haddaba ogow sababta.

Taangiga Merkava ayaa aad loogu amaanaa inuu yahay taangiga ugu badbaado badan dadka la socda (most survivable tank), waxaana ugu wanaagsan agabka dhowraarineed ee ku hareereeysan, isagoo u qaabaysan dagaal magaaleedka, gaashaan adag oo ku hareeraysan, unugta raacaysa oo fadhida qaybta dambe, iyo matoorkiisa oo qaybta hore ku jira.

Merkava oo calaa foorjo loo naqshadeeyey 1979-kii kaddib markii ay Israel ku fashilantay iibsiga tawaangida uu Ingiriisku sameeyo ee Chieftain ayaa diiradda lagu saaray inuu la xaalo tawaangidii Soofiyeetku ku hubeeyey Carabta Bariga Dhexe.

Yeelkeede, marka loo eego tayada lagu xusho taangiyada caalamka, waxaa Merkava looga cararay matoorka hore ku yaalla, waayo haddii halkaa jug lagala helo wuu fariisanayaa, si ka duwan tawaangida matoorka gadaal ku leh, xitaa haddii ay u sahlan tahay in unugta saaran oo gadaal fadhisaa ay ka badbaadaan iyagoo ka baxaya albaabka dambe.

 

Waxaa kale oo ay tahay iinta Merkava, kaydinta rasaasta iyadoo taalla qaybta ay saaran yihiin unugta taangida kuna kaydsan meelo dabka iska yara caabiya, balse aan si kama dambayn ah iskaga celin karin dabka.

Qaabka uu rasaasta u kaydsado M1 Abrams

Markii ay taasi fashil wayn ku noqotay Merkava waxaa la isku dayey in cilladdaa la xalliyo oo nooca Merkava Mk 4 waxaa rasaasta qayb ahaan lagu kaydiyaa tooreetka taangiga, balse dhibku wuxuu ka taagan yahay waxay halkaasi qaaddaa 10 madfac oo qura. Tani waxay Merkava ka dhigtay mid ka liita tawaangida qaabka rasada oo kale ah rasaasta u kaydsada ee M1 Abrams, K2 Black Panther, ama Leclerc.

Hadalsame Media