AFKA FURAN: Ma ogtahay in 90% warbaahinta Maraykanka ay leeyihiin 6 shirkadood oo qura (Sidee u kala leeyihiin?)

0

(Hadalsame) 06 Jan 2022 – Warbaahinta casriga ah ee ay reer Galbeedku horseedka ka yihiin, ayaa in badan oo ka tirsan waxaa iska leh sharikaad waawayn oo bilyanleey ah, kuwaasoo ku fushada dano ay leeyihiin, ama danaha dad, dano iyo dalal ay olog la yihiin.

Waxaa warbaahinta Galbeedka lafteeda ugu sii af dheer midda Maraykanka, haddaba yaa iska leh midda Maraykanka ee lagu naanayso ”warbaahintii shirkadaha” maxay se tahay sababta magacaasi ugu baxay?

JAWAAB – 90% guud ahaan warbaahinta madaxa bannaan ee ka shaqaysa Maraykanka waxaa iska leh 6 shirkadood oo qura, hadde waa lix, marka aannu sii dhilno sida ay u kala leeyihiin iyo inta shirkad kastaa xukunto, kuwaasoo ay ku jiraan shirkadaha waawayn ee Hollywood ee aflaamta sameeya.

1 – GE/Comcast – Waxaa hoos taga NBC, iyo Universal Studios/pictures, Fox Features.

2 – News Corp – Waxay leedahay Fox News, Wall Street Journal, New York Post.

3 – Disney – waxaa hoos yimaada ABC, ESPN, Pixar, Marvel Studios, Miramax.

4 – Viacom – Waxay maamushaa MTV, BET, Paramount Pictures, CMT.

5 – Time Warner – waxay leedahay CNN, HBO, Time, Warner Bros.

6 – CBS – Waxay leedahay TV-yada CBS, Showtime, Smithsonian Channel, NFL.com.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media