SHIRKA TEENDHADA: Maxaa ka jira in qodobbo xasaasi ah la isku mari la’yahay?!

0

(Hadalsame) 06 Jan 2022 – Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey warar lagu sheegayo in la isku mari la’yahay qodobbo xasaasi ah oo ku saabsan amniga doorashada iyo midka guud ee dalka.

Wararka la faafiyey ayaa u dhigan in MW KG Somalia uu qayb ahaan diidey in amniga guud lagu wareejiyo Madaxa Xukuumadda oo ah RW Rooble, balse uu ogol yahay inuu qabto kan doorashada.

Haddaba, Afhayeenka Xukuumadda ee Macallimuu ayaa qoraal kooban oo uu faafiyey isna ku beeniyey warkaasi oo uu ku sheegay ”xumaan la faafiyey” isagoo xusay inuu shirku si caadi ah u soconayo.

”Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran waxa uu galay maalinkii 4aad, waxa socda doodo adag oo ay Madaxdu ka yeelanayaan qodobo quseeya hufnaanta doorashada iyo amniga. In si qalbi furnaan ah loo doodo waxa ay dawo u tahay in xal kama dambeys ah laga gaaro qodobada lagu kala aragti duwan yahay. Kulamda Madaxdu waa kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah,” ayuu ku bilaabay.

”Dadka baraha bulshada xumaanta ku warinaya ee la wareegaya wararka dhiillada xambaarsan ee xaqiiqda ka fog waxa wanaagsanaan laheyd in dalka iyo dadkaba ay u rajeeyaan wax wanaagsan.” ayuuna daba dhigay Macallimuu oo aan laftiisu wax xog ah oo badan bixinin.

Dad ayaa is waydiinaya cidda ay dantu ugu jirto inuu shirkani burburo, maadaama ay taasi halis gelinayso geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka iyo ammaanka guud ee qoowmiga ah.

Hadalsame Media