DEG DEG: Guddigii uu RW Rooble u saaray wixii ka dhacay xafiiskiisa oo 5 sarkaal u yeerey & magacyada rag muhim ah…

0

(Muqdisho) 05 Jan 2022 – Wasiirka Gaashaandhigga ayaa qoraal uu u diray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka waxaa uu kaga dalbaday in loo yeero Illaa Shan Sarkaal Ciidan.

Warqad qoraal ah oo uu soo diray ayaa u dhigan in saraakiishan oo lagu tuhmayo dhacdadii 27 Diseembar oo uu RW ku sheegay isku day la damacsanaa in lagula wareego Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Saraakiishan ayaa waxa ku jira Taliyaha Guutada 77-aad iyo Abaanduulaha Guutada Koofiyo Casta oo ah Ilaalada Madaxtooyada.

Guddiga baaritaanka ayaa tan iyo markii la magacaabay ku howllanaa su’aalo waydiin iyo xog ururin la xiriirta qaabkii ay wax u dhaceen iyo cida qorshahan ka dambaysey.

Isla warqadda, Taliyaha Xoogga ayaa laga codsaday in Saraakiishan maalinta Sabtida ah oo ay taariikhdu tahay 8 Janaayo, saacadda 10:00 barqannimo lagu soo rigeeyo Xafiiska Wasiiro Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay ula kulmaan guddiga baaritaanka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Hadalsame Media