Ingiriiska oo wax ka bedeley shuruudaha laga doonayo dadka halkaa u safraya (Si deggan u akhri hab-raacyada cusub)

0

(London) 06 Jan 2022 – Dadka safarka ah ee qorsheynaya inay tagaan Ingiriiska ayaa waxa qayb ahaan hadda laga khafiifinayaa waxyaabihii looga baahnaa. Ra’iisal Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ku dhawaaqay shalay Janaayo 5, 2022, in wax laga bedeley shuruudaha safarka ee imaatinka England.

Laga bilaabo 04:00 Janaayo 7, 2022, oo ku beegan berritoole, socotada si buuxda u talaalan ee soo galaysa England loogama baahan doono baarista hordhaca ah ee PCR ee COVID-19 oo ay mari jireen kahor inta aysan soo bixin, ama karaantiil marka ay dalkaa yimaadaan ah.

Yeelkeede, baarista PCR waa laga doonayaa marka ay yimaadaan kaddib inta laga gaarayo  04:00 Janaayo 9, 2022 oo ku beegan Axadda soo aaddan.

Dadka socotada ah ee sida buuxda u talaalan (fully vaccinated) oo ka imanaya England wixii ka dambeeya 04:00 Janaayo 9, 2022, waxay mari doonaan tijaabada loo yaqaan lateral flow test halkii ay ka qaadi lahaayeen tijaabada PCR marka ay yimaadaan England.

Tijaabada lateral flow test oo qiime ahaan ku kacaysa £30 gini ama $40 doollar, ayaa caadiyan ka rakhiisan midda PCR oo ku kacaysa celcelis ahaan £80 ama $110 doollar.

Yeelkeede, qof kasta oo marka uu is baaro iska hela cudurka kaddib marka uu tago England waa inuu is karaantiilaa, isagoo tijaabo kale ka ballansanaya NHS PCR.

Dadka aan tallaalnayn ama aan tallaalka wada qaadan ee England tegayaa waxay u baahan doonaan inay sii wadaan inay qaataan baaritaanka safarka kahor ah, tijaabooyinka PCR ee maalinta labaad iyo maalinta siddeedaad, iyo is-karantiil 10 maalmood ah.

FG: La soco waxa laga hadlayaa waa England oo qura ee ma aha UK oo idil.

Hadalsame Media