Siyaasi Farmaajo ku eedeeyey inay ka maqan tahay ”tayo shakhsi ah” oo qofka muhim u ah (Daawo)

0

(Muqdisho) 03 Jan 2022 – MW hore ee Maamulka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa MW Farmaajo ku eedeeyey inuusan ”damqasho lahayn”, isagoo tusaalayaal dhowr ah soo qaatay, sidoo kalena fasiray waxa uu ula jeedey kelmadda ”shidanaaba shidan”, oo ay dadka qaar faan u qaateen.

Waare ayaa waraysi uu siiyey ”Ha noolaato” wuxuu ku sheegay in dad badan oo Muqdisho ka xoogsan jirey ay wajahayaan xaalad dhaqaale oo liidata, taasoo ay uga sii darayso siyaasadda cakiran ee dalka oo uu Madaxwaynuhu doorka ugu wayn ku leeyahay.

”Dabaysha kasoo kacdaa Madaxtooyada ayay imaanaysaa, waa 100,000 ee ka shaqaysan jirtey iyo 15,000 ee usoo shaxaad tegi jirtey halkee aadeen ma laha, damqasho ma jirto.” ayuu yiri Waare oo tilmaamay in ”shidanaaba shidan” uu ula jeedo damqasho la’aanta Madaxwaynaha.

Waare ayaa sidoo kale xusay in MW Farmaajo uusan wax dan iyo heello ah ka lahayn wixii kharribmaya, balse uu kaliya ku dadaalayo inuu Madaxtooyada fadhiyo, isagoo aan dareemaynin dhibaatooyinka taagan maanta.

Maalin dhowayd ayaa lasoo sawiray Madaxwaynaha oo ku dhex socda jid ka mid ah kuwa ugu mashquulsan magaalada oo haawanaya, taasoo keenta in ay baaqdaan arday badan oo iskuullo aadi lahayd, dad safri lahaa, dad rooti maalmeedka raadsan lahaa iyo xitaa qaar dhaawac ah ama bukaa inay halis galaan ama dhintaanba.

Marka dhanka cilmu-nafsiga loo koco qofka ay damqashadu ka maqan tahay waxaa lagu tilmaamaa dadka loo yaqaan Sociopath iyo Psychopath, balse ma jirto baaris rasmi ah oo uu ku qotomo hadalka Waare.

Hadalsame Media