Hab xilli hore lagu sii ogaan karo inuu qofka wadanuhu istaagi karo oo la daah-furay & tillaabo sahlan oo aad qaadi karto waqti-xaadirkan (Dhegeyso)

0

(Lund) 03 Jan 2022 – Daraasad cusub oo soo baxday ayaa muujinaysa in uu jiro xiriir adag oo ka dhexeeya barotiin mucayin ah oo dhiigga ku jira iyo inuu qofku marka dambe la kulmo wadne xanuun, gaar ahaan wixii ka bilowda dadka da’ dhexaadka ah.

Waxaa kale oo isla daraasaddan lagu daah-furay in cabista biyaha caadiga ihi ay kahortag u noqon karaan halistan, maadaama ay yareeynayaan barotiinka noocan ah ee dhiigga ku jira.

Sida ay qabto Sofia Eirnhorning oo ah dhakhtarad isla markaana wax ka dhigta Jaamacadda Lund oo hoggaaminaysa daraasaddan. ”Daraasaddani waxay muujinaysaa barotiin dhiigga laga cabiri karo uu sii saadaalinayo wadne istaagga. Wuxuuna ka dhigan yahay in dadka ay halistani kusoo socoto la ogaado xilli hore.’’ Ayay tiri.

Waxay taasi sidoo kale keeni kartaa in qofka laga gaaro oo la daweeyo inta ay goori goor tahay. Sweden ayaa la tacaalaysa in ka badan 250,000 oo jirrooyinka wadnaha ka sheeganaya, iyadoo sanadkii 2020-kii oo qura ay wadne xanuun u dhinteen in ka badan 10,000 oo qofi, sida ku cad tirakoob uu sameeyey Sanduuqa Wadnaha & Sambabka Sweden oo daraasaddan oo ah mid dadwayne qayb ahaan maageliyey. Waxaana ka qayb galay in ka badan 5,000 oo mutadawac.

Hadalsame Media