Waxyaabaha ay Garoonka ka sameeyaan Dhar-cadka NISA & hal arrin oo uu ku yara ”deg degey” Wasiirka Ammaanku

0

(Muqdisho) 02 Jan 2021 – Ciidanka Dhar-cadka ah ee NISA ka tirsan ee ku sugnaa Garoonka Aadan Cadde ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, iyadoo lagu eedeeyey inay halkaa ka wadeen waxyaabo ammaanka khalkhal gelinaya sida ay bartilmaameedsanayeen ama handadayeen qofkii ka aragti duwan madaxda iyaga soo dirtay.

”Beryihii dambe waxay caadaysteen inay jujuubaan, handadaan, gacan ka hadal, ama si anshaxa ka baxsan ula hadlaan dadka ka aragti duwan Madaxwaynihii hore,” ayuu yiri Ismaaciil Cusmaan oo ah nin falanqeeya arrimaha ammaanka & siyaasadda.

Cusmaan ayaase waloow uu soo jeediyey in arrintan wax laga qabto midna tilmaamay in lagu yara deg degey qaabka arrintaasi loo wajahey, isagoo dhaliilay in iyaga dhan meesha laga qaado hal mar balse soo jeediyey inay ku fiican tahay in maamulkooda la bedelo, haddii ay taasi waxba xallin waydana iyaga dhan la bedelo.

Marka laga soo tago dhibaatooyinka laga sheeganayo, taasoo ay eeddeeda leeyihiin maamulkoodu, waxay kooxdani sidoo kale u xilsaarrayd la socodka waxyaabaha ammaanka wax u dhibaya ee kasoo dega Garoonka, waloow hadda kahor oo Dekedda lagu qabtay konteennar ay ku jiraan walxaha qarxa aan dib dambe warkiisa loo maqal.

Ciidankan ayaa la sheegay in ay sidoo kale faraha la geli jireen arrimaha howleed ee Garoonka Aadan Cadde sida inay farageliyaan ciddii dhoofaysa sida dhacday inay marar badan celiyaan dad safri lahaa, amaba ay khasab kusoo dejiyaan dad soo degayey sidii dhacday 22-kii Abriil ee sanadkii tegey, taasoo xadgudub ku ah madaxbannaanida howleed ee hay’aadka DF Somalia oo ay midiba tahay inay shaqadeeda si xor ah u qabsato, maadaama NISA aysan shuqul ku lahayn shaqooyinka garoonka, balse ay tahay inay ammaanka & sirdoonka uun ku ekaato.

Weliba qiimaha lagu dagaallamayey maalintaasi ayaan u qalmin in khalkhal heerkaa gaarsiisan la geliyo ammaanka garoonka waayo wuxuu ahaa dad shisheeye oo Youtuber-rro ah oo halkaa kasoo degayey, sida ay xogo badani sheegayaan, waxaana dheer, in arrintaas oo ah fadeexad qaran aan waxba laga qaban.

Hadalsame Media