War cusub oo kasoo kordhay hardanka u dhexeeya kooxda Chelsea & Lukaku (Miyuu ciyaarayaa galabta?)

0

(London) 02 Jan 2021 – Qannaaska qarada wayn ee Romelu Lukaku ayaa beryahan biyo kulul ku jirey kaddib markii uu weerar ku qaaday kooxda Blues oo uu sanadkan u ahaa xiddigga ugu qaalisan kaddib markii ay xagaagii kasoo qaateen kooxda Inter Milan.

Laacibka ayaan kaliya ku ekaanin inaanu ku qanacsanayn xaaladda haatan taagane, wuxuu si cad u weeraray macallinka kooxda ee Thomas Tuchel iyo qaab-ciyaareedkiisa oo idil, iyadoo hadalkiisa lagu tilmaamay mid ka arradan dhanka xirfadlennimada oo aan wax xushmad ah u muujinin kooxda uu u ciyaaro.

Wuxuu sidoo kale ammaan kala dul dhacay kooxda Inter oo uu xagaagii ka diidey inuu sii joogo kaddib markii ay Chelsea miiska u saartay mushahar ka badan midkii uu ka qaadanayey Milano, taasoo keentay inay u dayriyaan taageerayaasha Inter laftoodu.

Taageerayaasha Inter ee Curva Nord ayaa soo bandhigay qoraal u akhrismaya: “Ma tirsana midkii roobka ka carara, balse waxaa tirsan kii jooga iyadoo ay duufaani dhacayso. Nabadeey Lukaku.”

War haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Romelu Lukaku laga cunay kooxda galabta la ciyaaraysa kooxda Liverpool sida uu sheegayo David Ornstein, taasoo jug culus ku noqonaysa qaddiyadda laacibka.

Hadalsame Media