”Waxay ahayd bartamihii 1985-kii waxaan wefdi uu Samatar hoggaaminayey u raacnay Baydhabo mase filanayn wixii aan dhegeheenna ku maqalnay!”

0

(Hadalsame) 02 Jan 2021 – Waa bartamahii sannadkii 1985-kii, xili duhurnimo ah anigoo kasii baxaya shaqada ayaa waxaa ii yeeray Maxamed Faarax Xalane, (Dhaashane) oo ka mid ahaa madaxda idaacada Raadiyo Muqdisho. mudo haatan dhawr sano laga joogo ayuu marxuumku geeriyoodey Alle ha u naxariisto.

Waxuu igu yiri beri aroorta hore ilaa 6 subaxnimo ku diyaar ahow xarunta wasaarada warfaafinta. waxaad safar shaqo u raaceysaa Madaxweyne ku xigeenka koowaad mudo dheerna ahaa wasiirka Gaashaandhiga Jaalle sareeye guud Maxamed Cali Samatar, oo socdaal ku tagaya Gobolka Bay, gaar ahaan Magaalada Beydhabo.

Sababta wafdiga aan u raacayey waxa ay aheyd inaan Raadiyo Muqdisho warar uga soo diro socdaalka madaxweyne ku xigeenka, iyo marka aan Muqdisho kusoo noqono inaan barnaamijyo ka diyaariyo khudbadahana aan soo duubeyna la sii daayo.

Saacadu markii ay aheyd 6:15 daqiiqo ee aroorimo ayaa gaari ama baabuur nuuca Toyota Land cruiser oo nin darawal ciidan ah u wado nin sarkaal ahna saaran yahay ayaa xarunta wasaarada warfaafinta soo istaagey ka dibna raggii ayaan soo raacey waxaana ay ii sheegeen inaan tagayno guriga Madaxweyne ku xigeenka Cali Samatar, halkaasna aan ka quraacan doono ka dibna ka wada safri doono.

Ilaa 9 aroornimo ayaan safarkii bilownay waxaana Sareeye Guud Cali Samatar, socdaalka ku wehlinayey dhawr wasiir, shaqaalaha xafiiskiisa iyo ciidan milatari ah oo ilaalinayey.

Intii aanu wadada sii soconay waxaa noo muuqanayey dhul qurxoon cagaaran oo xoolo ay daaqayaan iyadoo meelaha qaarna biyaha roobka ee xareeda ay warnaayeen.

Goor ilaa duhuradii ayaan tagnay Magaalada Beydhaba waxaana meel banaanka magaalada ah nooga horyimid gudoomyahii gobolka, madax kale iyo saraakiil ciidanka ka tirsan.

Guriga martida ee magaalada Beydhaba ayaa wafdiga la dejiyey waxaana isla markiiba u suurta gashay Madaxweyne ku xigeenka inuu kormeer kusoo maro xaafadaha magaalada iyo dhawr xarumood oo dawlada leedahay.

Habeenimadii ayaa waxaa uu shir la qaatay Gudoomayhii gobolka. saraakiil, ururada bulshada iyo qaar ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee Gobolka Bay.

Gudoomyahii Gobolka, qaar saraakiil ciidan ahaa iyo odayaasha dhaqanka ayaa halkaas ka hadlay waxaana badankood ay ka sinaayeen amaan ay huwinayeen ama ku dhoobayeen xukuumadii Kacaanka.

Iyadoo xaalku sidaas yahay ayaa nin ka mid ahaa raggii odayaasha dhaqanka reer Bay hadalkii qaatay waxuuna mar qura bedelay jawagii meesha ka jirey.

Waxuu hadalkiisa ku furey soo dhaweyn wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka koowaad ahna wasiirka gaashaandhiga Jaalle Maxamed Cali Samatar, ka dibna waxuu yiri Jaalle Cali Samatar waxa gudoomiyaha Gobolka, saraakiisha ciidanka iyo dadka hadlay ay sheegayaan waxaan u arkaa in runta ay ka fog yahiin.

Ilaahay ayaa ina lahe markaan dhabta ka hadlo shacbiga halkan ku nool waa dhiban yahiin, canshuur ayaa laga qaadaa wax dib loogu soo celiyo ma leh, jeebka ayaa lagu kala shubtaa, ma jiraan mashaariic muuqata oo gobolkan laga hir geliyey, dadka cabsi ayey ku nool yahiin oo ma hadli karaan, meel walba Guul wadayaal dhega xiran iyo sirdoonka dawlada ee NSS baa u joogta, Kacaan diid baad tahay baa la yiraahdaa qofkii dhaha war dawlada kacaanka sida ay wax u wado ma haboona.

Shaqo la’aan ayaa jirta hadii shaqo ay soo baxdana nimankaa madaxda ee gobolka dad ay wataan baa la siiyaa, cadaaladi ma jirto, waxaa jira dad mudo dheer iska xiran aan maxkamad la horgeyn, iyadoo loogu awood sheeganayo shaarka dawladda.

Marka intaas iyo ka badanba waa jiraan ee hadaad wax ka qabanaysaan madaxdii kacaanka ugu sarreeysay adiga ka mid ahe culeysyadaa is biirsaday wax ka qabta hana dhageysinana kuwa beenta iyo huuhaada idinku aqrinaya.

Waxuu ninkaa odeyga hadalkiisa kusoo gabagabeeyey koley caawa marka aan gurigeyga tago NSS iyo guulwadayaashu waa isoo weerarayaan waaana i xirayaane Jaalle Madaxweyne ku Xigeen Cali Samatarow, hadda dheh ninkaas fekerkiisa ayuu cabirey dhibaatooyin jira ayuuna ka hadlaye agtiisa ha tegina oo ha xirina.

Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cali Samatar, aad ayuu u qosley waxuuna yiri ma i maqlaysaan madaxda gobolka ninkaas lama xiri karo waa nin daacad ah oo runta aan ka gamban munaafaqna maaha.

Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar, Alle ha u naxariistee waxuu xiligaas halkaas ka balan qaadey in dawlada ay si dhaqso ah wax uga qaban doonto arimaha uu ka hadlay ninkaa odeyga ah.

Waxaan dhacdaada usoo qaatay madaxda bulshada ay xukumaan inta badan xaaladaha ay ku sugan yahiin ee dhabta ah hoos uguma daadagaan waxaana jirta in kuwa la taliya ee ka ag dhaw iyo sidoo kale kuwa wasiirada ah iyagoo danahooda gaarka ah ilaashanaya ayey madaxda been iyo waxaan jirin ku aqriyaan.

In dalku barwaaqo yahay, shacbigu ay dhergeen wax kasta hagaagsan yahiin ayey u sheegaan ragga ugu sarreeya maamulka.

Waxaa marka loo baahan yahay sida ninkaa odeyga ee runta u sheegey Cali Samatar in marka dadka bulshada metala sida madax dhaqameedyada,culimada, aqoonyahanka ay madaxda sare la kulmaan ay ka gamban oo runta u sheegeen.

Insha allah dhacdooyin kale oo aan goob joog u ahaa intii aan ka shaqeynayey idaacada Raadiyo Muqdisho, sannadahii 80-meeyadii waan idinla wadaagi doonaa.

Waxaa Qoray: Cabullaahi Nuur M. Colombo

Hadalsame Media