”Mar kasta oo la jeediyo in cadaalad wax loo qaybiyo waxaa caroonaya midkii cadka dheeriga ah cuni jirey!” – Maxaad ka taqaan ”Cadaalad-darrada Nidaamsan?!”

0

(Hadalsame) 02 Jan 2021 – Markasta oo ay cidi ku taliso in dhaqaalaha wadanka si cadaalad ah loo qaybiyo, waxaa ka xanaaqa oo muran geliya inta cadaalad-darradu danta u tahay.

Maaddada ‘Political Economy’ ee cilmiga siyaasadda lagu barto, waxyaabaha ay ka warranto waxaa ka mid ah, ‘Structural inequality’ oo ah waxa hadda ay dadkeennu ka doodayaan. Nuxurka macnaheeduna yahay, xeerar iyo siyaasad dawladeed oo si badheedh ah goballada dalka qaar ugu sad burinaaya. Kaas oo abuuraaya cadaalad-darro, tusaale ahaan waa nidaamka keenay bariiska Baligubadle lagu cunay ee cashuurtii Iibka (Sales tax) laga qaaday qofka iibsadaha ah ee laanqayrta adhigiisa ku raacda, in loo fasiro inuu yahay waxsoosaarka magaaladii uu ka soo degey. Sida hadda dhacday.

Wasiir Sacad waxa uu u soo qaatay in magaalada waxsoosaarkeeda %10 looga gooyo. Laakiin innagu dal ahaan waxsoosaar ma lihin, mana jirto magaalo Somaliland ka mid ah oo macdan laga soosaaro, si lacag loogu gooyo. Sidaas awgeed, waxa laga hadlayaa waa ‘halkii la doono ha lagu qaado ee cashuurta alaabooyinka kala duwan ee aynnu la soo degno ee shacbiga oo dhami iibsadaan ama iibiyaan gobolka ay doonaan ha joogaan e’.

Waxaa wax lagu farxo ah in xildhibaanno la soo doortay ay golaha sharcidejinta fadhiyaan, arrintaasna ay wax ka qaban karaan. Maanta oo kale waa marka deegaan waliba ogaanaayo in xildhibaankii ay doorteen uu danahooda metalo iyo in kale.

Waxaan golaha ugu baaqayaa inay arintaas si xeeldheer oo aan qof Somaliland ku nool dulmi ku ahayn oo cadaalad ah ay u eegaan waxna uga qabtaan, weliba sida ugu dhakhsaha badan. Waayo cadaalad-darradu waa waxa koowaad ee taariikh ahaan sugan inay umadaha dumiso, inaguna waxba kagama duwanin kuwa ay cadaalad-daro dumisay ama darxumo baday.

Waxaa Qoray: Khadar Xuseen Cabdi, Xisbiga Waddani

Hadalsame Media