”Waxaan cunay garow waxaana dareemayaa woxoogaa gobannimo ah” – Sheeko micne badan xambaarsan

0

(Hadalsame) 01 Jan 2021 – Muddo badan, waxaan ka fekeray ninka Badda gunteeda quusay isagoo qalab uu ku neefsado sanka iyo afka ku sita.

Ninkaa Badda gundhada jaray ee salkeeda hoose fadhiistay, shaqada uu qabtay waxa ay ahayd inuu hal xabbo oo kalluun ah uu dhegta kaga soo xidho wax yar oo waysaakha heweenku dhegaha ku sittaan oo kale ah.

Ninkii iska soo bax baddii, walaxdii yarayd ee uu dhegta kaga soo xidhay iyo Dayaxgacmeed hawada sabaynaya ayaa si aanan fahmi karin lagu isugu talaalay.

Quusaagii hawshaa qabtay xafiis halkeer oo camiran ayuu kala socdaa dhaqdhaqaaqa kalluunkii uu birta yar ku soo xidhay.

Ninka hawshaa wadaa waxa kaliya ee aan sheekadiisa ka fahmay ayaa ah, in aanu werwer ka qabin, wax uu cuno iyo wax cabbo, iyo aanu werwer ka hayn wax caruurtiisu cunto iyo baahiyahooda nololeed. (Food on the table)

Sheekadaa halkaa iigu yara haki.

Baarlamaankii dhawaan xilku ka dhamaaday ee Somaliland, ninkii ugu odeysanaa oo aan is leeyahay waa kan ugu daacadsanaa ayaa sheekadan yari na dhex martay

”Adeer Maxamed, waa tan oo 15 sano ayaad fadhideen, dadkiina waa idin nacay, adeer maad noqotid qofka ugu horeeya ee is casila oo xilka banaysid si kuwa kale kuugu daydaaan??”

Jawaab kooban oo Run ah ayuu i siiyay, isaga oo yidhi: ”Mustafoow sidaa waan yeeli lahaa ee duruufo dhaqaale ayaa i haysta, laba caruur ayaa jaamacad dibadeed iigu maqan, maanta haddaan shaqada ka tago xageen ka helayaa Biilasha caruurta iyo wax barashadooda.”

Labadaa sheeko isu geyntoodu waxan ku xaqiiqsaday, waa in faqriga iyo baahidu ay yihiin wax kaliya ee hortaagan wax kasta oo wanaag ah oo qofkaasi samayn lahaa, ama horumar kasta oo ummaddu gaadhi lahayd.

Baahida qofeed ayaa shaarafka loo iibiyaa, iyada ayaa wax aanu qofku aaminsanayn ku qanacisa.

Baahida awgeed ayaa qofku u sameeyaa wax kasta Karaamdiisa ceeb ku ah.

Baahida noocyadeed oo farabadan waxaa kow ka ah midda cuntada ee qofku ku noolaanayo, in taasi la cidhib tiro si sharafka iyo hanka sare loo ilaaliyo ayaa ah waajibka kowaad oo qofkasta oo xil gubayo.

In qofkasta oo inaga mid ahi la dagaalamo faqriga, wax soo saar yeesho ayaa inoo ballan ah.

Aniga oo baahidaa bulsheed maanka ku haya, ayaa Sanadkan 2022 waxaan ku bilaabay inaan cuno Garow aan beertay, aniga u iidaamay caanaha hashii aan lahaa.

Waxaan dareemayaa waxoogaa xorriyad ah.

Waxaa Qoray: Mustafe Cali-deeq

Hadalsame Media