Norway oo fursad qaali ah siinaysa dadka haysta diidmada kama dambaynta ah (Daawo)

0

(Oslo) 01 Jan 2021 – Hay’adda UDI ee arrimaha dibedda ugu qaybsan dalka Norway ayaa waxay diyaarisay barnaamij la yiraahdo Assistent Retur oo uu micneheedu yihiin dib u celin lagugu kaalmaynayo.

Waxaa barnaamijkani uu qofka haystada diidmada kama dambaynta ah ee aan rajada dambe lahayn uu ka caawinayaa in laga bixiyo tikitkii uu ku safri lahaa, kaddibna marka uu dalkiisii tago loo sameeyo maalgelin.

Waxaa tusaale ahaan qofka la siinayaa fursad uu ku keensado barnaamij uu noloshiisa ku maareeyo oo loo maalgeliyo si uu iskugu fillaado maaliyad ahaan marka uu dalkiisii tago.

Arrintaasi waxay qofka u dhaantaa waxa uu mudanayo markii si khasab ah loo celiyo markaas oo maalgelinba ha joogtee xitaa isaga laga doonayo inuu bixiyo tikitka dayuuradda.

Hadalsame Media