COVID-19: Tallaal abadi ah oo qofku mar qura qaadanayo oo tijaabadiisa la bilaabay

0

(Tokyo) 01 Jan 2021 – Tallaal lagula tacaalo Covid-19 oo abadi ah ayaa lagu guulaystey tijaabo lagu sameeyey jiirka iyo xayawaanno kale, waxaana lagu wadaa in dadka lagu tijaabiyo, iyadoo soo saaristiisa rasmiga ihi ay bilaabanayso 2024-ka, sida uu sheegay saynisyahanka Michinori Kohara oo la hadlay Japan Times.

Waloow haatan aysan dunidu weli haysanin tallaal si joogto ah wax uga tara Covid-19 oo ay haatan dadka qaar 2 ilaa 3 tallaal ka marayaan, misna Machadka Tokyo Metropolitan Institute of Medical Science ayaa wada tijaabadan oo ku salaysan tallaal qarnigii 18-aad lagu cirib tiray furuqa.

“Waxaan adeegsadey tiknolojiyado kala duwan oo fayruska la xiriria sida adenovirus iyo mRNA, balse tallaalka adeegsanaya vaccinia virus waa midka ugu xooggan uguna waxyeello yar wuxuuna samayn karaa difaac jireen abadi ah.” ayuu yiri dhakhtarka oo u dhashay Japan.

Tallaalkan oo isticmaalaya barotiinka SARS-CoV-2 ayaa tijaabooyinkii lagu sameeyey lagu guulaystey, iyadoo tijaabooyin ay ka qayb gelayaan 150-200 oo mutadawac la bilaabayo qaybta hore ee 2023 si rasmi ahaan loogu soo saaro 2024.

Hadalsame Media