Waxay u raacday inay dhar kusoo cabbirto balse inta kufsaday ayuu madaxeediina kariyey + Muuqaal & Sawirro

0

(Nur-Sultan) 01 Jan 2021 – Nin farmashiile ah oo qoorta ka jaray gabar baranaysey xarragada, oo uu deeto madaxeeda kariyey kaddib markii uu kufsaday ayaa lagu xukumay 25 sanadood oo xarig ah.

Rakhmanberdi Torebekov, 28-jir, ayaa si xun u diley Ayazhan Edilova, 19-jir, taasoo gurigiisa u raacday si ay isku joog ugu soo cabirto.

Waxaa kaamirada ammaanka laga arki karaa iyagoo wada socda oo raacaya wiishka, markii ugu dambeeysey ee ay noolayd. Maxkamad ku taalla Kazakhstan ayaa dhegeysatey tafaasiisha dilkan arxan darrada ah.

Ninkan bahalka ah ayaa Edilova oo ka shaqaynaysey harqaan maxalli ah markii ay guriga tageen ka dalbaday galmo balse markii ay diiddey ayuu kufsaday isagoo markii uu diley ka saaray ciddiyaha iyo ilkaha, madaxeedana kariyey si aan loo aqoosanin.

Qoyska gabadha ayaa haatan dalbanaya in xukunkiisa laga dhigo xabsi daa’in. Halkan ka arag..

Hadalsame Media