Waddan uu Maraykanku cunaqabateeyey oo soo saaray dayuurad rakaab ah oo casri ah

0

(Hadalsame) 01 Jan 2021 – Dayuurad rakaab ah oo Ruush-samee ah oo la yiraahdo MC-21 ayaa heshay shahaadadii duulitaanka, taasoo keenaysa in la bilaabo soo saarista wadareed, iyadoo sidaa uga siraad kortay cunaqabatayn la saaray shirkadda samaysay.

Irkut MC-21 waa dayuuraddii ugu horreeysey ee heer dhexaad ah oo rakaab ah oo uu Ruushku dhiso tan iyo burburkii Soofiyeetkii, waxaana lagu wadaa inay gasho booskii dayuuraddii Soofiyeetka ee Tu-154 oo caan ahayd 1970meeyadii.