DEG DEG: RW Rooble oo guddi heer wasiir ah u saaray baarista ”afgembi uu sheegay in la isku dayey!”

0

(Muqdisho) 01 Jan 2021 – RW Rooble ayaa xafiiskiisa kasoo saaray war saxaafadeed uu ku magacaabayo guddi heer wasiir ah oo sida uu yiri baaritaan ku sameeya ”afgembi lagu samayn lahaa Xafiiska Madaxa Xukuumadda.”

”Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda.” ayaa lagu bilaabay qoraalka.

Wasiiradan la magacaabay ayaa kala ah:

1 – Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.

2 – Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3 – Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.

4 – Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5 – Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

”Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah.” ayaa la daba dhigay.

Hadalsame Media