DEG DEG: Wasiir Ammaanka oo wax ka yara bedeley go’aan uu horay uga soo saaray Ciidanka NISA ee jooga Garoonka

0

(Muqdisho) 01 Jan 2021 – Wasiirka Ammaanka Qaranka, Cabdullaahi M. Nuur, ayaa war kale kasoo saaray xaaladda ciidamada NISA ee uu horay u sheegay in laga qaadayo Garoonka Aadan Cadde.

“Isbedelka laxiriira Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde wuxuu quseeyaa oo kaliya Ciidamada Dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal ka).” Ayuu ku yiri qoraal cusub.

“Ma quseeyo Ciidamada gacanta ku haya Baraha Koontoroolada ee laga galo Garoonka Aadan Cadde.” Ayuu raaciyey.

Dhibka ugu wayn ee haatan taagan ayaa ah in hay’aadkii amnigu ay siyaasaddii faraha kuöa jiraan iyadoo labada dhinacba ay arrinta u wajahayaan si aan ka tarjumayn danta dalka.

Hadalsame Media