XOG: Maxaa keenay in Wasiirka Amnigu uu fasiraad ka bixiyo go’aankii hore?

0

(Muqdisho) 01 Jan 2021 – Wasiirka Ammaanka Qaranka, Cabdullaahi M. Nuur, ayaa war kale kasoo saaray xaaladda ciidamada NISA ee uu horay u sheegay in laga qaadayo Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka ayaa soo qoray in “Isbedelka laxiriira Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde uu quseeyo oo kaliya Ciidamada Dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal-ka).”

Wuxuu Wasiirku intaa raaciyey in aanu “quseeyn doonin ciidamada gacanta ku haya Baraha Koontoroollada ee laga galo Garoonka Aadan Cadde.”

Maxaa keenay fasiraadda cusub? Xogo hoose ayaa sheegaya in beesha caalamka oo uu Maraykanku ugu horreeyo ay walaac ka muujiyeen warqaddii hore ee kasoo baxday Wasiirka Ammaanka.

Waxayna la xiriireen RW Rooble taasoo keentay in woxoogaa fasiraad ah laga bixiyo go’aankii hore.

Ciidamada NISA ee dharcadka ah ee Garoonka jooga ayaa marar badan lagu eedeeyey inay dhib u gaysteen habsami socodka howlaha garoonka iyagoo 22kii Abriil halkaa dagaal u ekaa midkii ciyaal xaafadeedka ka sameeyey.

Hadalsame Media