Taangi lagu arkay dhoollatus ay samaynayeen Ciidamada Iiraan oo soo jiitey indhaha Sirdoonka Galbeedka (Muxuu yahay?)

0

(Tehraan) 28 Dis 2021 – Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga Iiraan ayaa lagu arkay taangi u muuqda nooc cusub oo la yiraahdo Karrar, kaasoo la sheegay inuu yahay noocii cuslaa ee uu Soofiyeetku farsameeyey ee T-72 oo la casriyeeyey, sida ay sheegtay Tasnim News Agency.

Taangigan oo sidoo kale loo yaqaan T-72M1, ayaa lagu arkay dhoollatus la yiraahdo “Payambar-e Azam 17 oo ka dhacayey xeebaha koonfure ee dalkaasi 22-kii bishan, waxayna arrintani soo jiidatey indhaha sirdoonka Galbeedka iyo dalal kale.

MAXAA KU CUSUB? Waxyaabaha lagu daray waxaa ka mid ah agab u saamaxaya inuu taangigu ka dhuunto raadarrada kul-aragga ku shaqeeya. Waxaa sidoo kale lagu xirey bikaacyo elektaroonig ah, shiish ku shaqeeya shucaaca laysarka iyo kombiyuutar baalistig ah.

Sida uu qaboo Samuel Cranny-Evans oo ka tirsan Janes, waxaa agabka lagu daray ka mid ah gaashaan looga xirey dhanka hore iyo tooreetka oo haatan laga dhigay mid dhinacyada ka shuban, halkii uu markii hore ka wareegsanaa.

Waxaa sidoo kale tooreetka ku dhex jira qori darandoorri u dhaca oo culus, iyadoo meesha laga saaray daboolkii hore ee tooreetka laguna bedeley mid horay u furmaya oo sahlan.

Hadalsame Media