Dayuurad lagu naanayso ”Taliska Duulaya” oo uu Maraykanku leeyahay oo markii ugu horreeysey lagu arkay Ukraine (Ruushka oo isha ku haya & muuqaalladeeda)

0

(Hadalsame) 28 Dis 2021 – Dayuuradda culus ee E-8C oo ah kuwa sameeya Sahanka Goobta Bartilmaameedka ah sidoo kale u shaqeeysa sidii talis ciidan oo guuraya ayaa shalay lagu arkay hawada Ukraine.

Weriyaha madaxa bannaan ee Vladimir Vorobyov ayaa Facebook soo dhigay dayuurad ah nooca E-8C, taasoo markii ugu horreeysey lagu arkay hawada Ukraine.

Dayuuradda E-8C oo samaysa sahanka, sirdoonka iyo taliska, waa talis guurguuraya oo xog daray siinaya ciidamada dhulka iyo cirka iyadoo ay howsheeda 1-aad tahay inay ka caawiso howlgallada weerarka ah kaddib marka la arbusho ama dib loo dhigo weerarka cadowga.

E-8C waa Boeing 707-300 si gaar ah loogu dhisay howshan iyadoo leh muuqaallo ka caawinaya howsha adag ee ay qabato sida raadaar, isgaarsiin, agabka wax lagula socdo, iyadoo looga jeedi karo xabadkeeda hore meel buuran oo 8 mitir ah, halkaasoo ay ugu jirto anteena 7.3 mitir ah oo ah nooca dhijitaalka ah ee raadaarrada.

Waxay diri kartaa sawirro ku dhowaad toos ah oo ay ka keenayso goobta dagaalka cadowga oo ay meel fog kala soconayso waxayna ka caawinaysaa lana qorshaynaysaa duqaymaha iyo xog helista, iyadoo ogaan karta bartilmaameedyo jira fogaan dhan 250 km, iyadoo ku duulaysa joog sare oo ilaa 30,000 oo cagood ah.

Hadalsame Media