Shuruudo cusub oo wixii maanta ka bilowda laga doonaya dadka usoo safraya Sweden (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 28 Dis 2021 – Wixii maanta laga bilaabo waxaa dhamaan dadka shisheeyaha ah ee iyaga oo 12-jir ka wayn usoo safraya Sweden looga baahan yahay inay muujin karaan wax caddaynaya inaysan qabin cudurka covid-19.

Waxay dadkani isticmaali karaan tijaabada loo yaqaan antigen test, baaritaanka loo yaqaan midka deg degga ah, amaba PCR, aan laakiin ka  da’ waynayn 2 maalmood kahor.

Waxaa sidoo kale dadka safarrada maxalliga ah ee gaadiidka dadwaynaha looga baahan yahay shuruudo cusub.

Hadalsame Media