Hay’ad mug culus oo Maraykan ah oo si wayn u dhaliishay khilaafka haatan taagan

0

(Washington, DC) 28 Dis 2021 – Waxaa weli taagan khilaaf cusub oo qayb ka ah daraamayaashii lala qabsaday sanadihii ugu dambeeyey, waxaanu midkan cusub kacay kaddib markii uu Farmaajo sheegay inuu xilkii ka qaaday Rooble oo isna shalay qaaday dhowr tillaabo.

Haddaba, Guddi Hoosaadka Senet-ka Maraykanka ayaa iyaguna madaxda Somalia ku tilmaamay daniistayaal tooda eegtayaal ah iyagoo ku baaqay in dhaqse loo qabto doorashada iyadoo aan dib u dhac dambe imanin.

”Madaxda danaystayaasha ee Somalia ayaa shidaya xiisadda siyaasadeed iyo midda amni iyagoo ku kacaya waxyaabo ay ka mid yihiin in Ciidamada Ammaanka loo adeegsado faa’iidooyin siyaasadeed,” ayaa lagu soo qoray bogga Guddigan oo xoog badan ku leh siyaasadda dibedda Maraykanka.

”Madaxda Somalia waa inay ka hortagaan rabsho iyo gacan ka hadal dheeraad ah oo ay dhowraan dimoqraadiyaddan jilicsan iyagoo dhamaystiraya doorashada cilladaysan balse daruuriga ah iyadoo aan dib mar dambe loo dhigin.” ayay raaciyeen.

Somalia ayaa haatan maraysa xaalad hoggaan xumo halkii ugu dambaysey iyadoo aanay wax dadnimo iyo mas’uuliyad ihi ka muuqanin hab-dhaqanka madaxda ugu sarreeysa ee xil-gaarsiinta ah.

Hadalsame Media