DEG DEG: Amar rasmi ah oo kasoo baxay xaalka Mukhtaar Roobow (Miyaa lasii dayn rabaa?)

0

(Muqdisho) 28 Dis 2021 – Wasiir Ammaanka, Cabdullaahi M Nuur, ayaa Ku Simaha NISA ka dalbaday inuu muddo 48 saacadood ah kusoo gudbiyo xaaladda maxbuus Mukhtaar Roobow oo la filayo inuu ku jiro xabsi-guri.

Wasiirka ayaa tillaabadan u sababeeyey in eheladiisu ay ka cabanayaan wacaalkiisa iyo caafimaadkiisa, iyagoo sida ay la yiri dalbanaya cadaalad.

Rooboow ayay Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ayaa 13-kii Diseemar waxay kasoo qabteen magaalada Baydhabo xilli uu ka qaybgelayey doorashada KG Somalia, iyadoo shaqaaqo halkaa ka dhacday ay ku dhinteen dad fara badan.

Arrintan ayaa kusoo beegmaya jeer aanay kala caddayn xaaladda siyaasadda dalka, lamana oga ujeedka ka dambeeya in haatan uu Wasiirka Amnigu uu warqad rasmi ah kusoo saaro amarkan, iyadoo Rooboow uu yahay nin aan weli si buuxda loo hubin inuu si dhab ah uga haray aragtidii xag-jirnimada ahayd ee ay dadka badani ku le’deen, welina ay ku dhimanayaan.

Hadalsame Media