”Waxaa la isku dayey in xoog lagula wareego Xafiiska Raysal Wasaaraha” – War cusub oo soo baxay

0

(Muqdisho) 27 Dis 2021 – Xafiiska Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Rooble ayaa war rasmi ah dhowaan soo saaray kaasoo uu uga hadlayo war kale oo kasoo baxay dhanka Farmaajo.

”Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

”Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.” ayaa la daba dhigay.

Arrintan ayaa ka dambaysey kaddib markii la sheegay in gawaari gaashaaman lagu hor gooyey Xafiiska Rooble oo horayna loo sheegay in ”xilkii laga qaaday.”

Hadalsame Media