Sirdoonka Israel ee Mossad oo ay lasoo deristey arrin cabsi badan ku haysa

0

(Tel Aviv) 26 Dis 2021 – 3 ka mid ahs araakiisha sare ee Sirdoonka Israel ee Mossad ayaa is diley hal sano gudihii, sida ay sheegtay warbaahinta Israel.

Channel 12 oo laga leeyahay Israel ayaa sheegay in sarkaalka Mossad ee Ayalon Shapira uu ahaa sarkaalkii ugu horreeyay ee isdila wuxuuna dhintay 26-kii Maarso, 2020.

Aabbihii ayaa geeridiisa u aaneeyey dhibaatooyin nafsi ah oo ku yimid wiilkiisa, isagoo sheegay in sarkaalka Mossad uu u tegi jiray dhakhtarka dhimirka.

Kiiskii labaad ee ismiidaaminta ayaa la diiwaan geliyay saddex bilood kaddib dhimashadii Ayalon. Wakiil kale oo Mossad ah ayaa isku dilay goobtiisa shaqo sagaal bilood kaddib, laakiin kanaalku kama bixin faahfaahin dheeraad ah.

War qoraal ah oo ay soo saartay Mossad ayay ku sheegtay in ay wax ka baranayso kiisaskan is-miidaaminta ah ayna ka shaqaynayso sidii ay u wanaajin lahayd hababka iyo agabka ay u adeegsan karto si looga hortago dhacdooyinka is-miidaaminta ah oo dhaca mustaqbalka.

Hadalsame Media