RW Rooble & taliyeyaasha ciidamada oo lug ku galay Madaxtooyada (Daawo)

0

(Muqdisho) 27 Dis 2021 – Waxaa soo baxay muuqaal muujinayaRa’iisul Wasaare Rooble oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare Xigeenka iyo Taliyeyaasha Ciidanka oo si lug ah ku gelaya Xafiiskiisa Rooble oo ku dhex yaalla gudaha Madaxtooyada.

Tillaabadan ayaa imanaysa kaddib markii saaka ay ciidamo taabacsan Madaxwaynuhu isku dayeen in ay la wareegaan xafiiskiisa iyagoo xitaa holliyey inay kala eryaan shaqaalihii halkaa ku sugnaa, sida ay wararka qaar sheegayaan.

Arrintan ayaa ka dambaysey kaddib markii uu Farmaajo xilli dambe oo xalay ahayd sheegay inuu xilkii ka eryey RW Rooble oo uu ku eedeeyey inay musuq ku kacay.

Xafiiska Rooble ayaa sidoo kale war rasmi ah oo uu soo saaray ku sheegay in la isku dayey in ”xafiiskiisa xoog lagula wareego”, isagoo Farmaajo ku tilmaamay ”Madaxwayne hore.”

Hadalsame Media