Turkiga oo tijaabiyey gantaal mar qura weerari 9 bartilmaameed oo kala geddisan (Daawo)

0

(Ankara) 27 Dis 2021 – Turkiga ayaa ku guulaystey tijaabada gantaalka HISAR O+ oo ah hannaan difaac cireed, kaasoo bishii Juun soo saaristiisa wadareed la bilaabay, waxaana lala helay bartilmaameedkii loo asteeyey.

Sida ay Twitter ku sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiggu, waxaa tijaabadan lagu sameeyey dab-ridka Aksaray Shooting Range 24-kii bishan, iyadoo la adeegsanayo qunux otomaatig ah oo laga gamo gantaalaha.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in hadda kaddib gantaalkan HISAR O+ si rasmi ah loo adeegsan karo.

Gantaalka Hisar-O+ oo ah daafaca masaafada gaaban, wuxuu awood u leeyahay difaaca wareeg buuxa oo ah 360-digrii, isagoo mar qura toogan kara 9 bartilmaameed, maadaama ay qunuxyada ku kala jiraan dhowr gantaal.

Wuxuu la dagaallami karaa dayuuradaha qumaatiga u kaca, gantaalaha cir-ka-dhulka ah ee hawada ka yimaada iyo daroonnada bilaa duuliyaha ah. Wuxuu sidoo kale gantaalaha ka qaban karaa 25 km meel jirta.

Turkiga ayaa sidoo kale wada dhismaha gantaalka ridada dheer ee SIPER oo lagu wado inuu diyaar noqdo 2023, halka The development of long-range missile defense system SIPER is still in progress and it is expected to be ready by 2023.

Hadalsame Media