”Farmaajo wuxuu ku dhaqaaqay tillaabo gurracan oo uu ku carqaladaynayo doorashada” – RW Rooble (Daawo)

0

(Muqdisho) 27 Dis 2021 – RW Rooble ayaa shir jaraa’id oo ku qabtay Xafiiskiisa kusoo qaaday marxaladdii ugu dambeeysey ee dalka, kaddib markii uu xalay MW Farmaajo sheegay inuu xilkii ka qaaday.

RW Rooble ayaa tillaabadaa ku tilmaamay mid sharci darro ah balse ujeedka ka dambeeyaa uu yahay sidii lagu ”carqaladayn lahaa” doorashada socota sida uu yiri.

Rooble wuxuu intaa raaciyey amar ku aaddan in ciidamadu ay wixii haatan ka dambeeya ka amar qaataan Xukuumadda xil-gaarsiinta ah, isagoo ka digey in aan qof musharrax ah laga yeelaynin in uu awooddii dalka uga faa’iidaysto danihiisa gaarka ah.

”Wuxuu Farmaajo ka mid yahay musharrixiinta u taagan madaxtinnimada, sidaa darteed, ciidamadu kama amar qaadan karaan karaan Madaxwaynaha, waa inay ka amar qaataan Xukuumadda xil-gaarsiinta ah,” – Rooble oo sheegay in wixii uu Madaxwaynihii hore, sida uu yiri, uu sameeyey ay ahayd isku day afgembi.

Wuxuu dhanka kale usoo jeediyey Maamullada inay kasoo qaybgalaan shir looga hadlayo doorashada wuxuuna Guddiyada Doorashada ugu gooddiyey in tillaabo laga qaadi doono qofkii lagu helo inuu musharrax gaar ah u qar leexinayo.

”Waa doorasho ee ma aha xulasho waana xaaraan in dadka qaarkood ay si furan u tartami kari waayaan, marka waa inay noqotaa doorasho hufan oo cadaalad ah.” ayuu yiri Rooble oo leh ”doorasho haa, afgembi maya!”.

Hadalsame Media