”Waa 30-kii Diseembar 1990-kii waxaan fadhinnaa kaabad ay layri kusoo dhacayso oo ku taalla Dugsiga Farsamada, balse kaddib markii dhacay?!!”

0

(Hadalsame) 27 Dis 2021 – Waa soddonkii Diseembar 1990, maalin Axad ah. Duhurkii ayaan markaas ku tukannay qol yar oo masjid ay ka dhigteen ardaydii Kulliyaddii Macallimiinta Farsamada iyo Ganacsiga (Polytechnic) ee ku taalley KM4. Kaabad ku taalley qolkaas dibeddiisa oo ku jeedda beer ay neecaw qabow ka soo dhacaysey ayaan fariisannay.

Wiil ardayda ka mid ahaa ayaa akhrinayey quraan oo sida loo akhriyo (tajwiidka) uga sheekaynayey ardayda kale. Xaalkoo sidaas ah, ayaa waxaan maqalnay dhawaq culus oo dhawr jeer naga mashquuliyey wixii la dhegeysanyey. Rag ayaa yiri daaqadaha guryaha ardaydu seexato, oo aan naga fogeyn, ayaa dabayshu garaacaysaa ee iska fadhiya.

Laakiin dhawr jeer markii dhawaqii soo noqnoqday, arday naga mid ahaa ayaa yiri anaa soo eegaya. Wuxuu fuulay guryihii ardayda oo dibedda ku lahaa shabaq dhagax ah oo si fudud gacmaha iyo lugaha uu ugu qabsan karo qofka fuulayaa. Wuxuu noo sheegay inuu magaalada gudaheeda ka arko uuro ama qiic kor u kacaya oo ku beegan meesha shanqartii hore ka yeeraysay.

Sidiisii ayaan u wada baxnay guryaha dushooda waana aragnay wixii uu sheegayey. Annagoo ogeyn in nabadgelyadu soo xumaaneysey oo hubku faraha ka baxayey, ayaa haddana dadkii Muqdisho joogey ay ku adkayd inay saadaaliyaan sida wax ku socdaan. Wejiyada dagaalku yeelan karo waa badnaayeen oo dadka qofba dhinac ayuu wax u qaaday.

Dhallinyaradii reer Waqooyiga ahayd ee nala joogtey markiiba waa tashadeen, gaar ahaan kuwoodii joogey markii dagaalladu Hargeysa iyo Burco ka bilOwdeen. Waxay noogu muuqdeen inay degdegayaan oo jaamacad ay sannado soo wadeen si fudud uga tegayaan inay dhammaystirtaan. Laakiin way naga saadaal fiicnaayeen.

Tafaasiisha dagaalka iyo sida dhibku u dhacay wuxuu mudan yahay in laga bixiyo casharro ay naga mudan yihiin jiilasha dambe inaan uga sheekayno sidii aan isu laynay oo nolosheennii iyo dawladanimadeennii ugu tumannay. Laakiin qoraalkan uma socdo tafaasiishaas.

Maalmo gudahood waxaa naloo soo sheegay in madaxii qaybta Dhismaha (Civil Engineering) ee kulliyaddu ku dhintay xabbad uga soo gashay daaqadda gurigiisa. Waa la kala go’ay oo in yar oo ama kulliyadda seexan jirtey ama degaankoodu ku dhawaa ayaa isu soo haray. Aniga iyo nin aan saaxiib ahayn ayaa subax walba isu raacna meel aan dano ka lahayn ama u war doonanno.

Waxaan xasuustaa inaan maalin aragnay Xafiiskii Manaahijta oo aan ka fogeyn kulliyadda oo la jabsaday. Waxaan is niri bal maktabad ku taalley buugaagta taal wax ka soo qaada oo, kolley waa la daadinayaaye, ama ku intifaaca ama meel dhiga. Maktabadda waxaa ku jirey dad aad u fara badan oo aan qasadkoodu ahayn buugaagta. Waxaa la kala boobayey biraha la isku rakibo ee buugaagta la saaro (shelves).

Waxaan xasuustaa haweeney maro ay wadatey dhexda ku xiratay oo wax boobaysa oo intay birahaas dhinac ka qabato, iyaga iyo waxa saaran oo dhan dhulka ku tuuraysa. Biruhu waxay ahaayeen labo nooc; kuwo ballaaran oo buugaagta la saaro iyo kuwo u eg jaranjaro oo kuwaas ballaaran isu haya. Haweeneydaasu nin la socdey ayey ku lahayd “Jaranjarooyinka.., Jaranjarooyinka noo gur hebeloow!”. Ilaa shan buug ayaan ka soo qaadnay oo wax badan ma qaadi karin.

Kumbiyuutarro waqtigaas waddanka ku cusbaa ayaa iyagana la kala boobayey oo dadku wax ay ku sheegayeen ‘taleefishinka’ oo ay ka wadaan shaashadda ama monitorka ayaa ugu muhiimsanaa waayo wuu ka qurxoonaa qaybta kale ee malaasan ee dhulka la dhigo oo aan iyadu wax micne iyo muunad ah u lahayn dadkii wax guranayey. Waxaan arkayey dad keyboard keliya la cararaya waayo kolley inuu meel uun wax ka goyn doono ayaa u muuqatey.

Caagag ay ku jiraan wax dareere ah (nooc kiimiko ah) oo aanan garanayn ayaa iyagan la boobayey. Dad waxaa jirey awalba aan xeer qaban oo mid ayaa dareerahaas cabbay intuu malaha khamro moodey. Wuu miyir beelay oo waxaan ka tagnay isagoo meel kulliyadda derbigeeda ah yaal oo marna afka xumbo ka imanayso marna dhaqaaq laga waayayo. Galabtii ayaan meeshii soo marnay isagoo weli sidii u yaal, laakiin labo maalmood ka dib wuu ka maqnaa meeshii oo in meydkiisii la qaaday iyo inuu ka kacay ma kala ogi.

MAXAA KA DHASHAY? Ardaydu iskama war hayn oo midba reerkiisu waqtiga iyo jihada ay u qaxayaan ayaa xukumeysey. Anigu maalmo ayaan aadey degmo ilaa 200 KM ka baxsan muqdisho, waxaa noogu yimi ciidan duullaan ah, waxaa ku jirey arday aan maalmo ka hor isku fasal ahayn oo qori sita dhexdana maro ugu xiran tahay, wuxuu igu yiri waan ka harayaa ciidanka oo adiga ayaan ama kula joogayaa ama meel nadab ah kuu kaxaynayaa.

Waa ku mahadiyey kamana reebin ciidankiisii. Saaxiibkay maanta ma noola, Ilaahay ha u naxariisto (kuma dhiman dagaal). Markii dagaalka qaybtiisii hore dhammaatay oo Madaxweynihii ka baxay magaalada ayaa xoogaa la isu gudbay oo la kala war qaatay.

Waxaa na soo gaartay in arday la oran jirey Muxiyaddiin uu damcay inuu koox meel wax ka dhacaysa la hadlo oo ay dileen, in arday la oran jirey Axmed oo qax ku sii maraya degmo naga fog ay degmadii xabbado ka dhaceen oo uu halkaas ku dhintay, in macallin la oran jirey Raage oo xisaabta noo dhigi jirey ay ku dhacday xabbad oo uu u geeriyooday.

Waxa naloo soo sheegay arday kale oo isaguna raacay ciidammo ay isku reer yihiin, oo muddo la la’aa, markii dambena looga quustay inuu geeriyooday. Meelaha ciidmadu ku hardmayeen muddo ayaa meydadku oolli jireen oo waqti looma hayn in wax la aaso. Dadka safarka ah waxay soo sheegi jireen xubno googo’an oo geedo saaran iyo meydad qallalay oo aan muddo la aasin.

Casharka ugu wayn ee dhibkaas laga baran karo waa in colaaddu ka bilaabato hadal ama fal ama eex aan laga daba tegin. Sida xabbad sigaar ah oo si fudud kayn loogu dhex tuuray, oo dadkii wax kaska ahaa demin waayaan, oo hadhow dad iyo duunyoba ku baaba’aan. Qaangaar ilaa toddobaatan jir eeddii dagaalladaas waa la wadaagey. Waxaan ahayn jiil xilkii ka saarnaa kuwa ka dambeeya aan ka soo bixin. Ilmaha ku dhashay xeryaha qaxootiga oo haddana ku qaangaaray oo ku guursday, annagaa halkaas geyney. In ay nolol oo dhan ka yaqaannaan xero qaxooti waxaa keenay inaan annagu derejo siyaasadeed ku dagaallanay. Haddaad maqashay gabdho Soomaaliyeed ayaa iyagoo doon tahriib ah ka degey meel lagu xirtay oo aan hadda laga war hayn, meel kale ha ka doonin, waxaan nahay jiilkii karayey inay gabadhaas u diyaariyaan meel ay ku negaato laakiin damacoodii uu xadka dhaafay oo garashadoodii tustay inay gabadhaas qixiyaan.

Haddaad maqashay gabdho yaryar oo Soomaaliyeed ayaa waddooyinka magaalada Jidda ka tuugsada oo hooyadood ayaa subixii u dirta inay waddada istaagaan, ogow inaan dagaalkaas ka hor la aqoon waxaas oo ay tahay mirihii colaadda. Waxba yaan hebel iyo reer hebel eedda lagu koobin. Af iyo addin iyo hanti iyo qoraal ayaa looga wada qayb qaatay. Kii aamusay ee naftiisa iyo ehelkiisa la cararay ayaa noogu dembi yaraa. Isaguna dantii guud waa gabay.

Taas macnaheedu maaha in qof dembi gaar ah oo muuqda galay laga qaado oo ummad kale la saaro, maya, ee waa iin jiil walbaa leeyahay xil guud oo waa kaas kan lagu wada fashilmay. Waa kaas kan loo wada jabay oo ceebteennu meel walba u taal. Xasuusaha qoraalkani ma qurxoona, laakiin waa xaqiiqooyin na soo maray oo haddana soo noqon kara – haddii eexdii, qabkii, xatooyadii iyo xumaantii kii hore keentay nagu soo noqoto. Waxaan isku deyayaa, idanka Alle, inaan dhawr jeer oo kale bal xasuusahaas wax ka soo qoro.

NAQTIIN – Horay waxaan ugu taliyey in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka haro doorashada sannadkaan, oo isagoo xaq u leh inuu tartamo, oo dersi ka dhigo in dad kale loo banneeyo fursadda. Taasna uu ka helayo sumcad iyo sharaf la mid ah tii uu kasbaday waagii Kampala Accord ee uu iska tegey isagoo isadkayn karay. Taladaas ayaan weli sii adkaynayaa.

Goobjooge: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media