Maxay dadka Kenyan-ka ihi ka yiraahdeen khilaafka ka dhex taagan madaxda Somalia?!!

0

(Hadalsame) 27 Dis 2021 – Warbaahinta afka dheer ee Kenya ayaa soo qaadatay qoraal ku saabsan khabar ay aad u qaad qaadeen saxaafadda caalamka oo ah khilaafka ka dhex oogan madaxda sare ee Somalia.

Khilaafka ayaa salka ku haya xil ka qaadis uu MW Farmaajo sheegay inuu ku sameeyey RW Rooble, oo isna markiisa shir jaraa’id oo uu Madaxtooyada ku qabtay ku sheegay in Farmaajo oo uu ku tilmaamay ”Madaxwayne hore” aanu xilka ka xayuubin karin.

Haddaba, maxay dadka Kenyan-ka ihi uga fal-celiyeen khabarkan?

Muithereno Kenneday: ”Siyaasadda Somalia waxaa faraha kula jira dalal shisheeye oo dano waawayn ka leh, waxaana taa kashifay murankii badda ee Kenya iyo Somalia. Siyaasiyiinta Somalia waxay kala metelaan dano iska soo horjeeda oo shisheeye, marka shacabku waa inay xilligan xasaasiga ah la yimaadaan midnimo aan la liijin karin.”

Nyalilbuch Klip: ”Dalkaasi marna cagihiisa dib uguma istaagi doono.”

Tomas Kinjera: ”Somalia waxay u baahan tahay nidaam dastuuri ah oo kala cad ama ugu yaraan hal awood fulineed.”

John Kiplagat: ”Kaddibna….. Maxaa naga khuseeya?”.

Gitau Kariuki Wa Wanjema: ”Annaguna aan cayrinno oo xannibno kuwa waallidan iyo musuqa ka wada Kenya.”

Lawrence Muthama: ”Horta Somalia wax dhab ihi maka jiraan?.”

Wa Boshe: ”Malaha ducooyinkeenna ayaa loo aqbalay dalalka deriska ah.”

Hadalsame Media