Xaafad cusub oo casri ah oo laga dhisay Xeebta Jasiira (Daawo)

0

(Muqdisho) 26 Dis 2021 – Waloow ay siyaasadda dalku sii nacasoobayso oo ay u muuqato in ay horboodayaan dad aan waxba ka kororsanin khaladaadkii soo dhacay oo u dhaqmaya si mas’uuliyad iyo miidaamin ka maran, misna shacabku wax bay qabsanayaan nidaamkiiba ha maqnaadee.

Waxaa lasoo kordhiyey mashaariic kala duwan oo min wershado yar yar, isgaarsiin ilaa xaafado dhan oo si casri ah loo dhisay si ay u degaan dadka kasoo laabanaya dibedaha iyo cid kasta oo awoodda.

Waxaa Xaafadda Jasiira ee magaalada Muqdisho laga dhisay xaafad cusub oo aan sidaa qaali u ahayn, iyadoo ay sidoo kale halkaa ka soconayaan mashaariic kale oo guriyayn ah.

Xaafadahan cusub oo guryaha loo naqshadeeyey qaabka fillooyinka caalamiga ah, ayaa leh wax kasta oo ay xaafadi u baahan tahay min meelaha lagu ciyaaro, dukaamo, suuq wayn, meelaha lagu jimicsado, masaajid iyo goobo gawaarida la dhigto.

Hadalsame Media