Hal XAL ayaa furan markan si dalka xasarad siyaasadeed & firaaq amni ah looga badbaadiyo

0

(Hadalsame) 26 Dis 2021 – Warqad xalay mar uu waagu baryi rabey sidii caadada ahayd kasoo baxday Xafiiska Madaxwaynaha ayaa lagu sheegay in uu xilkii gudan waayey RW Rooble, waxaanay sidoo kale warqaddu ku baaqaysey in la iskugu yimaado shir wada tashi ah oo ku saabsan doorashada.

”Wuxuu Madaxwaynuhu xeeriyey in Ra’iisul Wasaaruha uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17kii Sebtember 2020 iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dad badan ayaa horayba ula socdey in go’aan noocan ihi uu kasoo socdo MW Farmaajo oo haatan u muuqda mid hankiisii uu kusoo ururay inuu Madaxtooyada fadhiyo isagoo aan wax tixgelin ah haba yaraatee siinaynin Dastuurka iyo maslaxada dalka.

RW Rooble oo laftiisu sidii la doonayey aan ugu fara adaygin howshii loo igmaday ee ahayd qabashada doorashada isla markaana aan go’aanno adag ka qaadanin dad doorashada ragaadinayey ama boobayey sidoo kalena marar badan ku milmay kooxda Farmaajo oo halkaa waqti dheerayn iyo madadaalo ka helay, ayaa isna kusoo jawaabey in aanu aqbalin go’aanka Madaxtooyada.

”Waxaan la wadaagaynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba in Madaxwaynuhu intii uu xafiiska joogay uu waqti, maal iyo maskaxba ku bixinayay sidii uu kusii joogi lahaa xafiiska isaga oo isku dayaya in doorashadu noqoto oo kaliya mid ka jawaabaysa doonistiisa ama uu wadada u xaarto muddo kororsi sharci-darro ah.” ayuu u dhignaa warka Rooble.

SOO JEEDIN – Marka ay halkaa taagan tahay, si ujeedka ciyaalnimada ah ee tillaabadan ka dambeeya ee ah in ummadda maalmo lagu sii maaweeliyo waxan lagu tilmaami karo siigaysiga siyaasadeed, waa in la saxaa khalad horay loo sameeyey bishii Abriil ee sanadkan, taasoo ahayd in xukunka dalka si KMG ah loogu dhiibo qof aan dan gaar ah lahayn oo dalka u naxaya, waloow ay aad iyo aad u yar tahay in qof noocaas ah laga soo dhex helo dadka ku qalboobtamaya kuraasida qaranka. Adiguba qiyaas Farmaajihii ”waddaniga” ay beladu ka dhacday ahaa meesha uu maanta dalkii la marayo isagoo cayrinaya dan shakhsi ah oo aanu walba dadka ka dhaadhicin karin.

Nasiib wanaag, haatan waxaa dhamaystiran dhismaha Aqalka Sare, waloow uu madmadow ku jiro doorashada misna si wax uun loo caymiyo oo aanay dowladnimadu u wada dumin waa in sidiisa loo daayo, sidaa darteedna, Guddoonka Aqalka Sare xilka si KMG loogu sii dhiibaa inta laga soo dhisayo Aqalka Hoose si uu markaa xilka si KMG isna ugala sii wareego, inta badan howlaha daruuriga ahna ha usii socdeen qaab KMG ah.

Farmaajo & Rooblena ummaddooda dhinac haka raaceen.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media