”Howleheenna Somalia waxaa lagu wadaa carqalad” – QM oo War Saxaafadeed kasoo saartay terminal laga xirey

0
James Swan, the new UN Secretary-General's Special Representative for Somalia, inspects a parade mounted by the United Nations Guard Unit upon arrival at Aden Abdulle International Airport, Mogadishu, Somalia, on 25 June 2019. UN Photo / Ilyas Ahmed

(Muqdisho) 26 Dis 2021 – Xafiiska UNSOS ee QM ayaa War Saxaafadeed kasoo saaray xiritaanka terminaalka Movcon ee ay ku dhawaaqday DF Somalia, kaasoo ay ku tilmaameen ”go’aan lagu deg degey ” aan lala soo qaadin, kuna dhisan eedo aan sal lahayn.”

”Codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa lagu xiray xaruntii ay ku shaqeyn jirtay rakaabka (MOVCON) ee Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, laga bilaabo 24-ka Diseembar 2021,” ayaa lagu bilaabay.

”Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya uga shaqeysaa iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Soomaaliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshiska Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee khuseeya ee ay kala saxiixdeen hay’adaha Qaramada Midoobay, lacagaha, iyo barnaamijyada, iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo Axdiga Xuquuqaha iyo Xasaanadda ee Qaramada Midoobay.

”Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa walaac kasta oo ay Dowladda Federaalku ka muujin karto hawlgallada Qaramada Midoobay waqti kasta, waxaanan ka xun nahay in go’aanka xiritaanka si lama filaan ah loo soo saaray iyadoo aan wada tashi ku filan laga sameeynin.

”Waxaan aad uga xun nahay in xiritaanka sida muuqata ay sabab u tahay eedeymo aan weli si faahfaahsan loogu soo bandhigin Qaramada Midoobay si loo ogolaado baaritaan. Wadahadalo dheeraad ah oo arrintan ku saabsan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lala yeesho madaxda dowladda Federaalka.

”Qaramada Midoobay ayaa weli waxaa ka go’an iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya iyo in ay sii waddo caawinta dadkeeda in kasta oo ay jiraan carqalado dhanka shaqada ah.” ayaa lagu soo afjaray.

Dad badan ayaa aaminsan in siyaasad xumada haatan dalka ka jirtaa ay meel kasta far gelinayso, iyadoo marka la eego sida ay QM muhim ugu tahay jiritaanka DF Somalia oo Muqdisho dhaafi la’ 20 sanadood ay khasab tahay in 2 jeer laga fikiro go’aannada lagu deg degayo, iyadoo aan meesha laga saarayn in QM lagula xisaabtamo wixii khalad ah.

Hadalsame Media