Turkiga oo doonaya inuu sii xoojiyo saamayn dhanka dhaqanka ah oo uu Somalia ku yeelanayo (Tillaabo uu qaadi rabo)

0

(Ankara) 26 Dis 2021 – TV-ga Qaranka Turkish-ka ee TRT oo ah idaacad dadwayne oo lagu maalgeliyo canshuurta dalka ayaa ballan qaaday inuu Somalia ka caawinayo samaynta aflaam drama ah oo Soomaali ah.

Somalia iyo Turkey oo dib iskugu soo noqday 2011 kaddib markii uu Somalia booqday MW Recep Tayyip Erdogan isagoo ahaa hoggaankii ugu horreeyey ee aan Afrikaan ahayn ee halkaa taga, ayaa waxaa ka dhashay xiriir dhow.

”Barashada luuqadda Turkish-ka gaar ahaan dhallinyarada, weliba haweenka iyo gabdhaha ayaa laba-laabantay sanadkan oo qura waxaana ugu wacan aflaamta Turkiga ah oo aad loo daawado.” ayaa lagu qoray Daily Sabah oo Turkiga kasoo baxa.

Zaynab Abdi Adan ayaa sheegtay inay muddo 3 sanadood ah daawanaysey aflaamta Turkiga ah isla markaana ay wax ka baratay af Turkiga.

“Waxaan jeclahay sida ay dhab ugu ekaysiiyaan arrimaha jacaylka. Haatan waxaan aad ugu haystaa musalsalka ‘Alparslan: Büyük Selçuklu,’ jilaaga ugu fiicanina waa midka jilaya Alpagut,” ayay tiri.

Feysal Ali ayaa sheegay inuu aflaamta Turkiga ah ee horay Carabiga loogu tarjumey uu af Soomaali u rogo, isagoo daawada ilaa 5 musalsal oo drama ah, kuwaasoo uu ku jiro midka taariikhda Turkiga lagu faafinayo ee “Diriliş: Ertuğrul”, kaasoo uu 5-tiisa xilliba ku dhameeyey muddo 3 bilood ah. ‘Söz’ iyo ‘Barbaroslar” ayuu sidoo kale midna daawaday midna haatan wadaa.

”Soomaalidu waxay awal aad ugu tiirsanaan jireen aflaamta Bollywood ee Hindiga ah, balse haatan waxaa shacbiyad wayn leh kuwa Turkiga.” ayaa lagu qoray wargayska.

Afka & aflaamta ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu sarreeya ee lagu faafiyo dhaqanka, kaasoo lagu helo saamaynta loo yaqaan ”awoodda jilicsan”.

Hadalsame Media