Ma taqaannaa badeecada Somalia laga helo ee uu 100% u baahan yahay Vatican-ku?!

0
Guy Erlich, an Israeli entrepreneur, checks a frankincense tree at a plantation in Kibbutz Almog in the West Bank Nov. 30, 2017. Conflict, climate change and poverty are driving the demise of the tree that produces frankincense resin. (CNS photo/Ronen Zvulun, Reuters)

(Hadalsame) 26 Dis 2021 – Somalia waa dalka 1-aad ee soo saara beeyada oo ay aad u isticmaalaan kaniisadaha Masiixigu, sababtuna waxay tahay in ay aaminsan yihiin in beeyadu ay ka mid tahay 3 hadiyadood oo Nabi Ciise (CS) ay 3 nin oo caaqiliin ihi u hadiyeeyeen markii uu dhashay, sida ay la tahay.

Marka aad baarto meelaha ay kasoo go’do beeyada waxaa kuusoo baxaysa Geeska Afrika gaar ahaan Somalia iyo Yaman dhanka Aasiya, iyadoo Somalia ay beeyada ka iibin jirtey Shiinihii xilligii Jidka Xariirta iyo Faraacinnadii hore.

Beeyada ay dunidu haatan adeegsato ayaa 60% kasoo go’do woqooyi bari Somalia, halka Kaniisadda Faatinaanka haatan la xaqiijiyey in 100% ay adeegsato beeyada Somalia.

Beeyada oo loo yaqaan frankincense waxaa laga soo ergaystey Faransiiskii hore oo u yaqaanney franc encens, oo la micne ah caraf naqi ah. Balse beeyada Somalia ayaan helin wax horumarin ah, iyadoo meelaha qaar ka dabar go’i rabta.

Hadalsame Media