DAAWO: Shaqaaqo ka taagan Isgoyska Dabka & rasaas halkaa ka dhacday + Sababta

0

(Muqdisho) 26 Dis 2021 – Shaqaaqo ayaa ka dhacday Isgoyska Dabka iyadoo rasaas la ridey sida ay kusoo warramayaan dad goobjoog ah oo u warramay Hadalsame.

Shaqaaqada ayaa ka dhalatay kaddib markii ay askar halkaa joogtaa ay toogteen darawal Bajaajle ah oo jidkaasi marayey, waloow aynaan weli hubin inuu dhintay iyo in kale, waloow la xaqiijiyey in meesha dhaawac looga qaaday. Askariga wax toogtey ayaa la sheegay inuu yahay Booliiska Waddooyinka ama Taraafiko.

Waxaa deeto halkaa ka dhacay dibedbax ay dhigayeen dadkii meesha joogey oo ka xumaaday falka halkaa ka dhacay, waxaana rasaas ku ridey ciidamadii meesha joogey.

Xaaladda ayaa weli kacsan iyadoo isla aaggaasi beri dhowayd lagu diley 2 dhallinyaro ah oo walaalo ahaa oo iyaguna Bajaaj saarnaa, taasoo aan weli waxba laga qaban, waloow la sheegay in qof loo xirey.

Hadalsame Media