DEG DEG: Puntland oo caddaysay mowqifkeeda ku aaddan shirka uu ku baaqay MW Farmaajo

0

(Garoowe) 26 Dis 2021 – Maamul-goboleedka Puntland ayaa qoraal kooban oo uu kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka ku caddaysay mowqifkeeda ku aaddan waxa ay ka qabto shirka uu iclaamiyey MW Farmaajo.

”Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble,” ayaa lagu bilaabay qoraalka.

”Dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.” ayaa la raaciyey.

Warkan ayaa sida muuqata dhinac marsan sida uu rabo Farmaajo oo ah in la iskugu yimaado shir uu isagu hoggaaminayo kaddib markii uu xalay xibinkii dambe sheegay in uu xil gudan waayey RW Rooble.

Hadalsame Media