DF Somalia oo tillaabo culus ka qaadday howlwadeenno ka tirsan QM & AMISOM (Khalad ay ku keceen)

0

(Muqdisho) 25 Dis 2021 – Shaqaalaha QM iyo AMISOM ayay hadda kaddib waajib ku noqonaysaa inay ka degaan terminal-ka wayn ee Garoonka Aadan Cadde kaddib markii ay DF xirtey terminal iyaga u gaar ahaa kaddib markii lagu eedeeyey inay dalka kusoo galaan iyaga oo aan ogolaansho haysan amaba ay soo geliyaan ”waxyaabo iyo badeecooyin aan war loo haynin.”

Wasaarad Dibadeedka Somalia ayaa warqad rasmi ah oo ay u qortey Xafiiska UNSOS oo dhanka saanadda ka caawiya AMISOM taasoo la diray 22-kii bishan Diseembar, ayaa lagu wargeliyey in albaabbada loo laabo terminal-ka MOFCON ”ilaa amar dambe.”

DF ayaa UNSOS & AMISOM ku eedaysay inay dalka soo geliyeen saraakiil ku socda dokumentiyo aan la eegin ama aan dhamaystirnayn, iyadoo Saraakiisha Waaxda Socdaalka Somalia loo diidey inay kiisaskooda eegaan.

DF Somalia ayaa sidoo kale ku doodday in saraakiil booliis ah oo aan hubaysnayn iyo howlwadeenno ka tirsan Waaxda Socdaalka oo halkaa la geeyey ay halkaa kasoo eryeen ciidamada AMISOM.

DF Somalia ayaa QM sidoo kale ku eedeeysay inay soo fasaxaan duullimaadyo aan rukhsad ka haysanin hay’adaha ku shaqada leh umuurahaas ee DF sida iyagoo aan marin hilinnada wada hadal ee Waaxda Socdaalka.

Hadalsame Media