Sanadka 2022 oo ku bilaabmaya dhadhaab-cireed dhulka usoo dhowaanaya (Daawo mid soo dhacay 2013-kii)

0

(Hadalsame) 25 Dis 2021 – Sida ay sheegtay Hay’adda Hawada Sare ee Maraykanka, dhadhaab cireed la yiraahdo Asteroid 2014 YE15, oo markii ugu horreeysey la arkay 2014, ayaa usoo siqaya dhanka Dhulka oo uu u jirsanayo masaafo dhan 7,400,000km 6-da Jannaayo.

NASA oo ballaciisa ku sheegtay 150 mitir ayaa tilmaantay in maadaama uu 7.5 milyan oo km soo jirsanayo loo arki karo mid ay ‘halisi ka iman karto’, , balse aysan khatartaasi ahayn mid wayn.

Sidoo kale isla dhamaadka sanadkan 2021, gaar ahaan 29-ka Diseembar oo  ku beegan bartamaha todobaadka soo aaddan, waxaa dhulka usoo dhowaanaya dhadhaab cireed kale oo 149 mitir ah, kaasoo Dhulka usoo jirsan doona 3,540,000km, waxaana si gaar ah dhaqdhaaqooda ula socota NASA.

Dhadhaab-cireedyada ayaa waxaa inta badan dhacda inay dhulka dhinac maraan maadaama ay ku kala socdaan falagyo kala duwan, waxaa sidoo kale qaar kale gubta jawiga hawada iyo magnet-ka ah ee dhulka ilaalisa (the atmosphere and the magnetic field).

Balse 2013-kii, dhadhaab-cireed 20 mitir uun ahaa ayaa ku habsadey Chelyabinsk, oo ah magaalo ku taalla Ruushka, isagoo sii daayey tamar u dhigantey 26 ilaa 33 qumbula durriyo, isagoo burburiyey guryo badan isla markaana wax u gaystey qiyaastii 1,500 oo qof.

Hadalsame Media