Saxaafadda Turkiga oo hadal haysa magac ay iyagu leeyihiin oo loo bixiyo haweenka Soomaalida

0

(Ankara) 25 Dis 2021 – Soomaalida iyo Turkey ayaa wadaaga taariikh soo taxnayd 500 oo sanadood ka badan tan iyo waayihii Cusmaaniyiinta, iyadoo uu Turkigu taageero siin jirey dagaalladii gobannimodoonka ahaa sida kii Daraawiishta, sida lagu qoray Daily Sabah.

Masaajiddo ay Cusmaaniyiintu dhiseen ayaa ku yaalla min Berbera ilaa koonfurta dalka, iyadoo ay taasi keentay in ay labada dal yeeshaan saamayn dhaqan maadaama ay isku diin yihiin.

Wargayska ayaa qoray inay Soomaali badani Turkiga ku nooshahay kuwaasoo ka kala yimid Somalia iyo qurbaha, waxaana ku jira xirfadlayaal sida dhakhaatiir, injinneerro, macallimiin, ganacsato, weriyeyaal iyo dadka hay’adaha samafalka, kuwaasoo aad looga heli karo Ankara iyo Istanbul.

”Haddii aad doonayso inaad ogaato saamaynta Turkiga ee Somalia, arag magacyada gabdhaha Somalia,” ayuu yiri Ahmed Osman, oo ah oday ku nool Muqdisho.

”Mid ka mid ah magacyada ugu caansan Somalia waa “Istanbul,” ayuu daba dhigay.

“Waxaan nahay dad uu xiriir diimeed ka dhexeeyo marka waan ku faraxsan ahay in dal Muslim ihi uu saamayn nagu yeesho halkii ay na saamayn lahaayeen gumaysiga Yurub.” ayuu ku dooday.

Hadalsame Media