KHIYAANO CAD: Weligaa maku fikirtey inay KHIYAANO wayni ku jirto khariidadda dunida ee iskuul kasta lagu dhigo?!! (Arag yaabkan)

0

(Hadalsame) 23 Dis 2021 – Waxaa yaab leh in khariidaddan aad arkaysaa ay muujinayso khalad aad u wayn oo loogu kacay si bareer ah si loo khaldo ra’yul caamka wajhadda aragga qofka, tiiyoo ay la yaab tahay in xogta dhabta ihi aysan waafaqaynin sawirka khariidadeed ee hortaada ka muuqda.

Tusaale, masaafadda jibbaaran ee guud ahaan qaaradda Yurub waa 10 milyan oo km oo dhinac walba ah, waa marka xitaa Ruushka lagu daro, waxayna maabka uga muuqataa inay ugu yaraan 2 jeer ka wayn yahay Afrika oo sawirka ku dulman balse ah qaaradda 2-aad ee ugu wayn dunida iyadoo ah 30 milyan oo km oo jibbaaran.

Aasiya unbaa ka ballaaran oo a 45 milyan oo km2, balse u fiirso sida Aasiya oo ku dhowaad 4 jeer Yurub ka ballaaran meel yar loogu cambuuleeyey.

Ameerika ayaa noqon lahayd tan 2-aad oo 42 milyan oo km ah, balse caadiyan iyada waxaa loo kala qaadaa woqooyi iyo koonfur.

Si aad u fahamto waxa aan ka hadlayo waxaad eegtaa Greenland oo ka mid ah laandheerayaasha ka dhex muuqda maabka adduunka, balse ogoow waxaa run ahaan Greenland ka wayn dalka Congo DR ee bartamaha Afrika, marka isu eeg sida ay u kala sawiran yihiin.

Congo waa 2.345 milyan oo km, halka Greenland ay tahay 2.166 milyan oo km oo jibbaaran. Isu eeg Sweden oo ah 450,295 km oo jibbaaran iyo dalka Somalia oo 637,657 km oo jibbaaran midka sawirka lagu yareeyey?

Waxaa yaab leh in dugsi kasta oo asaasi ah uu maabkani suran yahay iyadoo uu fasalka soo gelayo macallin dhigaya juqraafi oo waloow uu xog run ah (facts) ardaygii siinayo aan misna marna su’aal ka keenaynin sababta la isu seejiyey sawirka iyo xogta runta ah, tusaale Afrika waxaa ka 2 jeer yareeyey xajmigeeda caadiga ah, halka Yurub 3 jeer laga wayneeyey. Sabab?!!

”Waa duni la kala iibsadaan nala ogeysiine.” – Maxamed Cabdille Cali “Gammuute”

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media