”Diyaar baan u nahay nooc kasta oo dagaal ah” – Ruushka oo hanjabaad u diray Galbeedka

0

(Moscow) 23 Dis 2021 – Wasiir Dibadeedka Ruushanka, Sergey Lavrov, oo shalay waraysi dheer siiyey RT, ayaa sheegay in Ruushku “aanu dooran lahay dagaal uu la galo nidaamka Kiev, balse aanay ka laba-labayn doonin haddii lagu khasbo” isagoo tilmaamay in dookha ay iyagu (Ukraine) leeyihiin.

Lavrov ayaa intaa raacshey in MW Vladimir Putin uu horayba u caddeeyey in Ruushku uu leeyahay “dhammaanba awoodaha ciidan ee asaasiga ah iyo farsamadii ay iskaga daafaci lahaayeen daandaansi kasta.”

Warka diblomaasiga ugu sarreeya Ruushka ayaa imanaya xilli ay xiisadi ka aloosan tahay xadka labada dal ee Ruushka iyo Ukraine, iyadoo ay ilo badan oo reer Galbeed ii xitaa sheegeen in Ruushku uu doonayo inuu qabsado dalkaasi.

Kremlin ayaa se eedahaa waxba kama jiraan ku sheegay, iyagoo ku sheegay ”sheeko marqaan” ay wadaan saxaafadda Galbeedku.

Hadalsame Media