Kooxaha AC Milan iyo Manchester City oo hal meel iskaga mid noqday (Meesha ay ku liidato)

0

(Hadalsame) 23 Dis 2021 – Guushii xalay ee ay 4-2 uga soo adkaadeen Empoli, AC Milan ayaa rikoodh ku xirtey sanadka 2021 marka la eego kulamada ay kusoo ciyaartay bannaanka garoonkeeda San Siro.

Guushii gegada Castellani ee ay sanadkan kusoo xirtey waxay noqotay middii 17-aad sanad-qorrexeedkan, waana kooxdii 2-aad ee Serie A ah ee taariikhda rikoodhkaa dhigta, kaddib Napoli fasal-ciyaareedkii 2017 oo 18 kulan badisay.

Milan ayaa sidoo kale kulamadaa dhalisay 52 gool waxayna taa kala mid tahay kooxda Manchester City, balse Pioli iyo kooxdiisu waa inay wax ka bedelaan natiijada garoonkooda.

Tusaale ahaan 3 jeer oo sanadkan laga badiyey 2 ka mid ihi waxay ka dheceen garoonkooda.

Hadalsame Media