Sucuudiga oo diin ahaan & siyaasad ahaanba kasoo horjeestey qaraar ay QM u qarisay dunida Muslimka ah

0

(Maka) 23 Dis 2021 – Muftiga wayn ee Sucuudiga iyo Guddoonka Golaha Culumada Waawayn ee dalkaasi, Sheikh Abdul Aziz Al-Sheikh ayaa caddeeyey moowqifka uu dalkiisu ka taagan yahay qaraar lagu sheegay haybta jinsiga oo kasoo baxay QM.

Sheekha ayaa tilmaamay in “qaraarkani aanu ka tarjumaynin taariikhda Carabta iyo haybtooda Islaannimo” isagoo sidoo kale xusay in Sucuudigu uu diidey tibxaha aan la aqbali karin ee qaraarka ku dhigan.

Al-Sheikh ayaa carrabka ku adkeeyey in dembiga jinsiga isku nooca ihi uu ka mid yahay kuwa ugu daran sida Ilaahay sheegay, isagoo tilmaamay inay nolol hoog iyo ihaano ah ku jirayaan adduun iyo aakhiro.

Wuxuu sheegay in dunida ay haatan qabsadeen halkudhegyo iyo sheegashooyin lagu musuqayo ama fasahaadinayo qiyamka ummadda aadanahana looga qaadayo xayada iyo aadminnimada dabiiciga ah ee uu Ilaahay ku sharfay.

Abdullah Al-Mouallimi, Danjiraha Sucuudiga ee QM ayaa horay isna u diidey tibxaha ku weeraysan heshiiskan, iyadoo qaraarkan oo lasoo saaray bishii hore lagu dhex qariyey mid ku saabsanaa doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah, wuxuuna Danjiruhu sheegay in qaraarku uu ka hor imanayo madax bannaanida xeerarka u gaarka ah dalal badan oo Islaam ah.

Hadalsame Media