Sweden oo fursad 2-aad siinaysa dadka dembiyada gala ee xabsiyada dhamaysta (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 23 Dis 2021 – Xafiiska Shaqada Sweden ee Arbetsförmedlingen & Hay’adda Xabsiyada & Toosinta Sweden ee Kriminalvården ayaa xoojinaya xiriirkooda iyagoo samaysanaya qorshe-howleed dhow oo ay ku wada shaqeeyaan si dadka dembiyada horay u galay ay markale fursad ugu helaan inay shaqo helaan oo horay u socdaan.

Wasiirka Shaqada Sweden, Eva Nordmark (s) ayaa shir jaraa’id oo ay saaka qabatay ku sharraxaysa waxa uu qorshuhu yahay.

”Waxaanu doonaynaa in dadka dembiyada galay aysan dib ugu dhicin dembiyadii balse ay taa biddaalkeeda shaqaystaan oo ay noloshooda wax wanaagsan u samaystaan.” ayay raacisay Eva Nordmark.

Hadalsame Media