Warqad kasoo baxday Wasaaradda Gaashaandhigga oo muujinaysa 5 KHALAD oo waawayn

0

(Hadalsame) 22 Dis 2021 – Waxaa soo baxday warqad uu ku saxiixan yahay Wasiirka Gaashaandhigga DF Somalia, waxaana warqaddan ka muuqda khaladaad badan oo xirfadeed mana aha markii 1-aad oo waxaa sidan oo kale sameeya Wasaarado badan, sida beri dhexdeer ah oo uu Wasiirka Warfaafintu isna kala saxiixayey arrimo dhul oo aan ahayn shaqadiisa.

IMISA KHALAD AYAA LABADAN JUMLO EE HOOSE KU JIRA:

1 – Taliyuhu wuxuu toos ula hadlay warbaahinta (ciidamadu waa inay aad uga gaabsadaan ka hadlidda iyo la hadlidda warbaahinta, mararka ay samaynayaanna waa inay adeegsadaan afhayeenno iwm).

2 – Wuxuu eed culus u jeediyey Madaxii Xukuumadda (qof kale ayaa taa uga habboonaa isaga)

3 – Wasiirkii Gaashaandhigga ayaa wax ku xugminaya muuqaalkii la duubay (yacni waxa uu taliyuhu sameeyey lama khaldana) isagoo leh tillaabo sii qaad, taasoo arrinta dhan ka dhigaysa wax aan xirfad iyo nidaam ku dhisnayn. Waana cillad aad uga dhex jirta hay’aadka dowladda in meel kasta taliye ama qofka ugu sarreeya uun uu wax kasta isagu faraha la galo.

4 – Hay’adihii sharciga iyo arrimaha dhulalka ku shaqo lahaa oo arrintan laba dhinac kasoo geli lahaa door lama siinin.

5 – Tillaabo sharci ah waxaa qaada sharciga oo leh hay’ado fasira oo ooga ee qof ma qaado.

Waxaa rajaynayaa in dalku helo dad ka shaqayn kara nidaam iyo xukun wanaagga oo ah wax si wayn loogu baahi qabo, waloow nasiib darro ay arrintaas sii fogaynayso in howl kasta loo dirayo qof xilka ku helaya sida uu daacad ugu yahay qofka u dhiibaya, balse aan aqoon iyo mudnaan kale ku helaynin.

FG: Ma inaan difaacayo haddii ay jirto in dhul dadwayne la qaatay, waayo waa sharci darro, laakiin maadaama aanan caddayn weli haynin waan sugayaa middaas.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media