Maxay Soomaaliya ka baran kartaa dalalka yar yar juqraafi ahaan balse waawayn saamayn ahaan ee Qadar & Imaaraadka?!

0

(Hadalsame) 22 Dis 2021 – In aad shaqada taqaan oo qabsato iyo in aad cid taqaan oo kuu qabata shaqaalayso, waxa ka dhexeeyaa, waa inaadan waxba qabsan, adduunkana ka harto.

Waxay igu soo dhacdaa markaan Dubai ama Doha maro, oo arko sida ay ummadaha adduunka nooc walba shaqada ugu qabsadeen oo dalalkooda ugu dhisteen.

La isma xasdo, waa niman yaqaan sida ay u shaqaystaan, dadkooda iyo dalalkoodana ugu adeegaan.

Waxaan wacay diyaaradda Qatar oo aan macmiil ka ahay, xafiiskeeda istanbul, waxaa shaqadii aan rabey si hufan iigu qabtay, oo af aan garanayo ingiriis ama carabi saxan iigu adeegey, qof aan istanbuulba joogin ee meel aasiyada fog ama laatiin america fadhiya.

Diyaaradda Qatar sanadkan adduunka waa lambar 1. Garoonka Dohana waa lambar 1. Adduunka ayaa sidaa ugu markhaati furay.

Shirkadda DPW wexey maamushaa 70 dekedood ka badan, oo kuwo turkiga, maraykan iyo yurub, ahi ku jiraan.

Qatar airways, garooma badan oo adduunka ah ayaa leh kaalaya noo maamula. (Damiinnimada qaarkeedna waa lagu dulloobaa) sayidkaa laga sheegay Allaha u naxariisto.

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media