Dad Maraykan ah oo dacweeyey kana guulaystey dayuurad dagaal oo Maraykan ah & sababta (Daawo)

0

(Seatle, WA) 20 Dis 2021 – Koox buuq diid ah iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Washington ayaa dacwo uga guulaystey Ciidanka Badda Maraykanka, iyagoo si gaar ah uga ashtakoonaya dayuuradda buuqa badan ee EA-18G Growler oo ka mid ah dayuurado saldhigta jasiiradda Whidbey Island Naval Air Station.

Garsoorka Federaalka Maraykanka, Judge J. Richard Creatura, ayaa go’aamiyey in Ciidanka Baddu ay ”iska indha tireen” saamaynta degaan iyo midka dadwayne ee ay yeelatay dayuuradda sawaxanka badan ee EA-18G Growler.

Wuxuu intaa ku daray in saldhigga la keenay dayuurado dheeraad ah oo ah nooca EA-18G Growler xilli kuwii hore laga ashtakoonayo, iyagoo aan tixgelin codsiga dadwaynaha.

Dayuuraddan ayuu buuqeedu gaarayaa 91-120 decibels (dB) iyagoo sameeya duullimaadyo badan oo ay ku dul marayaan dadka aagga deggan, taasoo goobtii oo idil ka dhigtay meel lagu dhega beelayo oo aan lagu noolaan karin, sida uu qorayo Intercept oo soo xigtey qof degaanka ah.

Saldhig-cireedkan ayaa sanadkii sameeya in ka badan 100,000 oo duullimaad oo degid iyo duulid iskugu jira, marka laga hadlayo gasiiradda Whidbey Island  oo qura.

Hadalsame Media