Jilaaga caanka ah ee Salmaan Khan oo lagu haysto talo ”khaldan” oo uu dumarka siiyey!

0

(Hadalsame) 21 Dis 2021 – Xiddigga Bollywood-ka, Salmaan Khan, ayaa gabadhaha u sheegay qaabka ay ula dhaqmayaan ragga markii ay isku dayaan in ay fowdeeyaan. Laakiin waxaa lagu dhaliilay taladiisa.

Qaar ka mid ah shacabka Hindiya oo baraha bulshada uga fal celiyay hadal uu jeediyay jilaaga ayaa sheegay in fikirkiisa aysan taageersaneyn. Waddanka Hindiya ayay aad ugu badan yihiin falalka kufsiga iyo faroxumeynta, oo walaac aad u xooggan laga muujinayo.

Qoraaga war bixintan, Roopa Jha, oo ka tirsan BBC-da laanteeda af hindiga ayaa sheegtay in gabadheeda aysan la jecleyn talada noocan ah.

Waxay sheegtay in iyadoo hadda ku jirta fasalka 9-aad ay warqad u qortay macallinka fasalkeeda iyadoo uga dacwooneysa fowdo ay ku sameeyeen wiilasha fasalka, taasoo iyada iyo gabdhaha kaleba aad u dhibtay.

Hase yeeshee gabadha yar ayay markii hore ku adkaatay inay ka dacwooto xad gudubkaas, waxayna ku qaadatay hal sano in ay yeelato dhiirranaanta ay waqradda ugu qorto macallinkeeda.

Muxuu yiri Salmaan Khan?

Salman Khan ayaa dad badan ka yaabiyay markii uu barnaamijkiisa telefishinka ee caanka ah, oo lagu magacaabo Big Boss, ka sheegay hadallo uu ka dhigayay talo ku socota gabdhaha.

Salman Khan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xiddigan ayaa ku boorriyay gabdhaha in “marka uu wiil kusoo xad gudbo ay marka koowaad iska dhago tiraan, marka labaad iska dhaga tiraan, laakiin marka saddexaad ay qaniinaan kana sii socdaan”.

Wuxuu sheegay in aan loo baahneyn falcelin deg deg ah oo dagaal wadata.

Xaalad sidaasoo kale la mid ah ayaa ka dhacday isla barnaamijka dhexdiisa, taasoo lagu soo bandhigayay wax u muuqday ciyaar.

Nin ka mid ah ka qayb galeyaasha Big Boss, oo lagu magacaabo Abhijeet Bichukale ayaa gabar lagu magacaabo Devoleena ka dalbaday inay dhunkato, isagoo marar badanna ku celceliyay isagoo ku sababeynayay in shumiskeeda uu ciyaarta ka caawin karo.

Devoleena waxba kama aysan dhihin arrinta lagu soo celceliyay, balse markii dambe ayay ka dacwootay. Su’aasha ay dad badan isweydiinayeen ayaa ahayd in Devoleena ay lafteeda u arkeysay xaaladdaas mid iska kaftan ah, maadaama haddii aysan raalli ka ahayn ay ka caroon lahayd, kana dacwoon lahayd markii ugu horreysay.

Daadihiyaha barnaamijka Big Boss, Salman Khan, ayaa la arkayay isagoo su’aalo weydiinaya Devoleena.

Devoleena

XIGASHADA SAWIRKA,TWITTER/BIGGBOSS

Inta badan sheekooyinka ku saabsan tacaddiyada haweenka ayaa laga soo tabiyaa Hindiya, waxaana laamaha ku shaqada leh lagu dhaliilaa in aysan dadaalkii loo baahnaa u sameynin wax ka qabashooda, inkastoo dowladda ay ku adkeysato inay tallaabooyinkii loo baahnaa qaaddo.

Dhanka kale, warbixin dhawaan ay soo saartay waaxda diiwaangelinta dambiyada (NCRB), ayaa lagu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay oo keliya ay Hindiya isku dileen 22,372 dumar ah oo xaasas ahaa.

Tiradan ayaa ka dhigan in celcelis ahaan 61 haween ah ay maalin walba isku dilaan Hindiya, haddii si kale loo dhigana 25 daqiiqo oo kasta ay isdisho hal haweeney ah.

Sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya ma aha mid khaas ku ah. Tan iyo markii laanta NCRB ay billowday diiwaangelinta dadka isdila sanadkii 1997-kii, in ka badan 20,000 oo xaas ayaa is dili jiray sanad kasta. 2009-kii, tiradu waxay gaartay 25,092.

Inta badan wararku waxay sheegaan in sababta ugu weyn ay tahay dhibaatooyin haweenka ku qabsada guriga oo “la xiriira qoyska” ama “xaalado la xiriira guurkooda”.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media